Heemaal News Network

Madaxweyne Cirro Waa Duplamasi Ee Ma Aha Siyaasi (Qore Jaahweyn)

Madaxweyne #IsmailOmarGeelle oon Kasoo Horjeeddo Siyaasaddiisa Kalitaliska Ah Balse Hal Mid Waan U Qirayaa Inuu Yahay Siyaasiga Ruug Cadaaga ah Ee Soomaalida Maanta Nool.

Waxa uu Dalkiisa Ku Kulmiyay Quwaddo Iska Soo Horjeeda Leh Danno Kala Gaara Waxa uu Diyaariysaday Siyaasad Bisad/Mukalaal Inuu Hal Meel Ku Wada Haya Saldhigyo Waawayna Wuxuu Uga Sameeyay Dalkiisa.

Wuxu Ka Diiday Maraykan iyo Israaiil In Lagaga Duulo Dalkiisa YEMEN AMA XUUTIGGA Manna Ku Qasvi Karaan Sababtana Waa Siyaasaddaa uu Jeexday Ee ah In BISAD IYO JIIR/DOOLI uu Hal Meel Ku Wada Hayo.

Kadib Maraykan & Israaiil oo Wada Socda Waxa Ay Soo Jaleeceen Dhanka Waqooyiga Ee Dalka Somalia Ama Maamulka Somaliland – Waxa Ay Sameeyeen Siyaasad Carab Laalaadin ah Iyago Adeegsanaya ETHIOPIA Waxay Heshiiskii MOU Ee Fashilmay La Galeen MUUSE BIIXI Waxana Si Wada Jira Uga Hortagay #IsmailOmarGeelle iyo Hassan Sheikh oo Iskaashanaya Waxa Ayna Burburiyeen Dhulboobkii Ethiopiee Aqoonsigga Beentaa Lagu Badalanayay.

Kadib Faylka Waxa Loo Dhiibay EMARATKA oo Ka Soo Horjeeda Ismail Omar Markuu Dalkiisa Kasoo Saaray Kooxdaa Maafiyada Ee ISRAAIIL U Shaqaysa.

Kadib Doorashaddii ABDIRAHMAN CIRO Waxa Dhacday In Booqashaddiisii Koowaad uu Tagay JABUUTI Kulanka Halkaa Ka Dhacay Waxa Loo Sheegay Inuu Ka Leexdo Siyaasadii Fashilantay Ee MUUE BIIXI, Ciro Wuxu Sheegay Inu Eegayo Horena Uga Soo Horjeeday.

Maxaa Dhacay Kadib Fashilkii Hawlihii ABIYE AHMED Loo Xilsaaray, Waxa Arinta Soo Gashay Israail Waxayna U Soo Dirtay Cirro, Waxaana La Geeyay EMARAT Maalmo Ayaa La Waayay Waa Maalmihii Booqashadda Qarsoon Lagu Geeyay TALAABIIB – Kadib Oday Cirro Waa Loo Carab Laalaadiyay Aqoonsi iyo Humaag Waana Soo Aqbalay.

MADAXWEYNE CIRRO WAA DUPLAMASI Balse Maaha Siyaasi Anniga In Badan Waan Akhriyay Waqtigii uu Joogay Golaha BARLAMAANKA iyo Wixii Ka Dambeeyay – Sawirka Kaliya Ee Aan Ka Arki Jiray Waa Inuu Ahaa Nin Jilicsan Siyaasad Maarayn Karin Barlamaanka uu Joogayma Aan Xakamayn Karin.

Waxa Kaliya Ee Cirro Lagu Xasuusto Mudaddii uu Joogay Barlamaanka Waa Maalintu Feedhka Kala Daalay Baashe oo Ahaa Ku Xigeenkiisa.

Madaxweyne Cirro Haduu Akhrin Karo Xaalada Hadda Dunnidu Wajahayso, Juqraafiga Siyaasi Ee Kajira Mandaqada, Dalaka Hirdamaya, Kuwa Kala Tagaya iyo Kuwa Isku Imannaya Marnaba Naf Kama Dayeen NIDAAM SAHNUUNIYADDA oo Dunnida Ka Noqday Tukke Cambaar Leh.

#Geopolitics @highlight Cabdiraxmaan Cirro #Somalia #Djibouti #Ethiopia #Yemen #UAE #iran #israil #Falastiin #MiddleEastTensions

Khalid Jaahwayn