Maraykanka iyo Iiraan ayaa muujinaya dabacsanaan ku saabsan heshiis nukliyeer ah, iyadoo Washington ay u muuqato inay oggolaan karto in Iiraan sii waddo kobcinta yuuraaniyamka heerar cayiman, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, wareysi uu siiyay Financial Times oo la daabacay Khamiistii.
Fidan, oo ku lug lahaa wada hadallo dhex maray Washington iyo Tehran, ayaa sheegay:
“Waa arrin wanaagsan in Maraykanku u muuqdo inuu aqbalayo kobcinta yuuraaniyamka Iiraan haddii lagu koobo xad cad.”
Wuxuu intaas ku daray in Iiraan ay hadda garowsatay baahida loo qabo heshiis ay la gaarto Maraykanka, halka Maraykankuna fahmay in Iiraan leedahay xad aysan dhaafi karin, isagoo xusay in “aysan macno lahayn in lagu qasbo.”
Ilaa hadda, Maraykanku wuxuu ku adkeysanayay in Iiraan ka tanaasusho kaydkeeda yuuraaniyamka la kobciyay ilaa 60%, taasoo hal tallaabo u jirta heerka 90% ee loo adeegsado hubka nukliyeerka.
Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian, ayaa sheegay in dalkiisu sii wadi doono dalabka ah in laga qaado cunaqabateynta dhaqaale, isla markaana uu xaq u leeyahay barnaamijkiisa nukliyeerka, oo ay ku jirto kobcinta yuuraaniyamka.
Fidan ayaa aaminsan in Tehran “si dhab ah u rabto heshiis dhab ah,” islamarkaana ay aqbali karto xadeyn ku timaadda heerarka kobcinta iyo kormeer adag, sida heshiiskii 2015 ee ay la gashay Maraykanka iyo dalal kale.
Diblomaasiyiin Maraykan iyo Iiraani ah ayaa toddobaadkii hore ku kulmay Cumaan si dib loogu soo nooleeyo wada hadallada, kaddib markii Madaxweyne Donald Trump uu maraakiib dagaal u diray gobolka, taasoo keentay cabsi ku saabsan tallaabo milatari oo cusub.
Trump ayaa Talaadadii sheegay inuu ka fiirsanayo inuu diro markab dagaal oo labaad Bariga Dhexe, xilli labada dhinac isu diyaarinayaan wada-xaajoodyo cusub.
Si kastaba, wasiirka arimaha dibedda Turkey ayaa ka digay in ballaarinta wada-hadallada si loogu daro gantaallada ballistic-ga ay “keeni karto dagaal kale oo keliya.”