Sida ay daabacday The Wall Street Journal, Maraykanka iyo israa’iiI ayaa si ku meel gaar ah uga saaray liiskooda bartilmaameedyada Guddoomiyaha Baarlamaanka Iran, Mohammad Bagher Ghalibaf, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Abbas Araghchi.
Warbixintu waxay sheegaysaa in tallaabadan ay socon doonto muddo u dhaxaysa afar ilaa shan maalmood, iyadoo aan weli si rasmi ah loo shaacin sababta ka dambeysa go’aankan.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay jiraan dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed iyo isku dayo lagu dejinayo xiisadaha ka taagan gobolka.
Dhinaca kale Wasiirka arrimaha Dibadda !ran, oo markii u horreysay waxba kama jiraan ku tilmaamay wadda-hadalo uu sheegay Maraykanku inay u socdaan Iran.
“In Maraykanku xiligan wadda-hadalo ka hadlo waa astaan muujinaysa guuldaro. Miyayna hada kahor lahayn shuruud la’aan isku soo dhiiba? Maxay hada madaxdooda- sarre ugu diyaarinayan wadda-hadalo?”
“Waxay fariimo u soo dhiibayaan dalal kala duwan. Fariimo laysku dhaafsado dhex-dhexaadiyayaal-na kama dhigna wadda-hadal.”