Heemaal News Network

Maraykanka Iyo Urdun Oo Weerar Balaadhan Ku Qaaday Suuriya

Maraykanka ayaa qaaday weerar ballaaran oo ka dhan ah Daacish gudaha Suuriya, kadib weerar dhimasho sababay oo lagu dilay laba askari oo Mareykan ah iyo turjubaan rayid ah magaalada Palmyra.

Taliska Centcom ayaa sheegay in la beegsaday in ka badan 70 bartilmaameed, lana adeegsaday in ka badan 100 gantaal oo leh liishaan sax ah, iyadoo ay ka qayb qaateen diyaarado Mareykan iyo kuwo Urdun ah. Weerarkan loogu magac daray  “Hawkeye Strike” ayaa bilaabmay Jimcihii.

Madaxweyne Trump iyo Xoghayaha Difaaca ayaa ku tilmaamay hawlgalka aargoosi adag, iyagoo ballanqaaday sii wadidda weerarrada ka dhanka ah argagixisada.

Maraykanka ayaa sheegtay in hoggaamiye Daacish ah iyo dagaalyahanno kale lagu dilay, inkastoo Daacish aysan weli ka hadlin. Qaramada Midoobay waxay sheegtay in Daacish weli ku leedahay kumannaan dagaalyahanno ah Suuriya iyo Ciraaq, halka ciidamada Mareykanka ay Suuriya ku sugan yihiin tan iyo 2015 si ay ula dagaallamaan kooxdaas.