Maraykanka Oo Billaabay Hawlgal Lagu Furfurayo laguna Rarayo Agabka Reaktar Nukliyeer ah.

Warbixinno laga helay Washington ayaa sheegaya in Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon) ay billowday hawlgalkii ugu horreeyay ee lagu kala furfurayo laguna rarayo siddeed reaktar nukliyeer ah oo lagu tilmaamay nooca “Ward 250”, kaddib amar ka soo baxay Madaxweyne Donald Trump.

Hawlgalkan ayaa la sheegay in lagu raray diyaarad xamuul milatari oo si gaar ah loogu talagalay qaadista agabka culus ee xasaasiga ah. Saraakiil ku dhow arrimaha difaaca ayaa tilmaamay in hawlgalku qayb ka yahay dib-u-habeyn istaraatiiji ah oo lagu sameynayo kaydka iyo maareynta agabka nukliyeerka.

Reaktaradan ayaa la sheegay in si taxaddar leh loo kala furfuray, iyadoo la raacay habraacyo adag oo ku saabsan badqabka shucaaca iyo ilaalinta deegaanka. Dowladda Mareykanka weli si faahfaahsan uma shaacin halka loo raray qalabkan iyo ujeeddada kama dambaysta ah ee tallaabadan.

Related posts

Maraykanka oo hubkiisii militari ee waqooyiga Kuuriya u raraya Bariga Dhexe

Ilaalada Kacaanka Iran oo u jawaabtay Trump: “Annaga ayaa go’aaminayna goorta dagaalku dhammaanayo”

M/Putin Oo Sheegay inuu Diyaar u yahay In Shidaal Uu ka Iibiyo dalalka Yurub iyo Maraykanka