Mareykanka ayaa isku dayaya in dib loo soo celiyo jawi wada-hadal, iyadoo la xaqiijiyay inay farriin ka socota Mareykanka gaartay Iiraan, isagoo u sii maraya dhexdhexaadiyayaal,taa oo la xiriirta hababka lagu joojin karo dagaalka ,balse arrintu weli ma gaarin heer wada-hadallo rasmi ah, sida ay werisey CNN.
Warbixintan, waxaa kaloo lagu sheegay inay Iiraan sheegtay in ay diyaar u tahay soo jeedin kasta oo lagu gaari karo xal waara oo dhab ah,laguna soo afjari karo dagaalka, balse aysan aqbali doonin xabbad-joojin, waqti kooban ah.
Trump ayaa amray in bariga dhexe la geeyo ciidanka diyaaradaha hawada looga dejiyo ee cutubta 82 -aad, iyadoo koror uu ku yimid ciidanka Mareykanka uu ku daabulayo bariga dhexe, sida ay saraakiil Mareykan ah u sheegeen Fox News.