Saldhigga Mareykanka ee Sucuudiga Prince Suldan Air Base oo u eg in Mareykanku ka guuray kaddib weerar daran oo xalay lala beegtay qaybta shidaalka diyaaradaha
Waxaa isa soo taraya warar in diyaaradaha waaweyn ee Mareykanka KC-135 ee shidaalka siiya diyaaradaha dagaalka oo hore salkoodu u ahaa saldhigga Qadar ee al-Udaid, una soo guuray Sucuudiga kaddib markii si daran loo bartilmaameedsaday ay hadda u carareen dhanka Yurub.
Cararka diyaaradaha shidaalka ayaa yimid kaddib duqeyn daran oo xalay lala beegtay saldhigga ayna ku dhinteen tiro dhowr ah oo askarta Sucuudigu ku jirto. Sucuudiga ayaa hore u beeniyey in Mareykanku uu Iran ka weeraro dhulkooda, laakiin sida si joogto ah ugu cad warbixinada furan ee FlightRadar24 waxaa si joogto Sucuudiga uga duulo ama dulmara diyaaradaha Mareykanka ee duqeeya Iran.
Cararka diyaaradaha shidaalka Mareykanka ayaa u muuqda in awoodii duqeynta Mareykanka ee Iran ay aad u sii yaraaneyso, suurtagalna ay tahay in Trump uu dagaalka ka baxo. Saas oo ay tahay Iran ayaa bayaan cad ku sheegtay in aysan dagaalka joojin doonin illaa iyo inta Mareykanku uu ka baxayo Bariga Dhexe, joojinayana colaadda ka dhanka Iran, mid dhaqaale iyo mid milateriba.