Xooghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Marco Rubio oo la hadlayay wariyayaasha, ka dib kulankii uu la qaatay wasiiradda arrimaha dibadda G7 ee horaantii maanta ka dhacayay Faransiiska ayaa la weydiiyay haddii Maraykanka uu ka fikirayo inuu ciidamo u diro Bariga Dhexe iyaga oo qayb ka ah dadaalada ay uga adkaanayaan Iiraan.
Rubio ayaa sheegay in uusan ka hadlayn farsamooyinka milatari. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu yiri Maraykanku waxa ay leeyihiin yoolal cad iyo in ”Anagu aan ku kalsoonahay in aynu ku dhownahay gaaritaankooda sida ugu dhakhsaha badan”.
Wakhtiga la filan karo howlgalka Maraykanka ee Iiraan inuu dhammaado, ayaa Rubio uu ku yiri ”Waxaynu ka hadlaynaa toddobaadyo, ma ahan bilo”.
Rubio ayaa hadda wax laga weydiiyay xiliga la filayo in Iiraan kasoo jawaabto qorshaha 15-ka qodob ee Maraykanka, ayaa yiri
“jawaabta Iiraan la filayo Jimcaha maanta balse Weli ma aynaan helin,” sidoo kale Isaga oo ka hadlayay xaddiditaanka wakhtiga ayuu sheegay inay ”Dhici karto wakhti kasta” waxaana uu diiday inuu saadaalin bixiyo.
Sidoo kale Wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska ayaa sheegay in dalalka G7 ay ku taagan yihiin in la yareeyo saamaynta dagaalka Iiraan.
Kooxda G7 ayaa ah urur ay ku midaysan yihiin dalalka caalamka ee loogu yeero toddobada ugu tunka roon dhaqaalaha adduunka, waxa ay ku baaqayaan sida uu sheeggay Jean-Noel Barot in sida ugu dhakhsaha badan loo dhammeeyo weerarada rayidka iyo kaabayaasha.
Hadalkiisa ayaa daba socday, ka dib kulan uu dhiggiisa Vaux-de-Cernay kula qaatay Waqooyiga Faransiiska, waxaa uu intaa ku daray ”Ma jirto wax oggolaanaya” weerarada, rayidkuna waxa ay u baahan yihiin si ”cad loo difaaco”
Faaladiisa, waxaa uu sidoo kale dib ugu soo cusboonaysiiyay dadaalada G7 ee xaqiijinta ”dhaqdhaqaaq xor iyo badbaado u leh maraakiibta” maraysa marinka Hormuz.
Barrot ayaa sheegay inuu ku waafaqay xooghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Marco Rubio in uu uga warbixiyo golaha Midowga Yurub ee arrimaha dibadda inay ka wada shaqeeyaan xal loo helo marinka.