Maraykanka oo kayd shidaal oo aad u Badan ka helay Dalka Masar

Shirkadda Maraykanka ah ee Apache Corporation, oo kaashanaysa Hay’adda Guud ee Shidaalka Masar (Egyptian General Petroleum Corporation), ayaa shaacisay inay heshay kayd cusub oo gaas dabiici ah, kaddib markii ay qodday ceel tijaabo ah oo lagu magacaabo SKAL-1X, kaas oo ku yaalla aagga Koonfurta Kalabsha ee lamadegaanka galbeed ee Masar.

War-saxaafadeed kasoo baxday Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta ee Masar ayaa lagu sheegay in helitaankan uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo maalgashiga, kordhinta wax-soo-saarka gaaska gudaha, isla markaana lagu yareynayo kharashaadka laga bixiyo soo dejinta tamarta.

Natiijooyinka hordhaca ah ee laga helay ceelkan ayaa muujinaya inuu soo saarayo qiyaastii 26 milyan oo cubic feet oo gaas dabiici ah maalintii, iyo sidoo kale 2,700 foosto oo dareere shidaal ah (condensate).

Wasaaradda ayaa sheegtay in guushan ay ka dhalatay dhiirrigelinno iyo tallaabooyin ay qaadday si loo kobciyo waaxda shidaalka, kuwaas oo door weyn ka qaatay in shirkadda Apache ay ballaadhiso hawlaheeda sahaminta iyo baadhista, gaar ahaan meelaha cusub ee ku dhow goobaha ay hore uga shaqaynaysay.

Kaydkan cusub ayaa ku yaalla mid ka mid ah goobihii dhawaan shirkadda loo qoondeeyey, wuxuuna ku dhow yahay xarumaheeda hore ee wax-soo-saarka. Arrintan ayaa la sheegay inay kordhinayso suurtagalnimada maalgashiga isla markaana yareynayso kharashaadka, maadaama laga faa’iidaysanayo kaabayaasha hore u jiray.

Sidoo kale, habkan ayaa la filayaa inuu dedejiyo hawlaha horumarinta iyo in kaydadka cusub si degdeg ah loogu daro liiska wax-soo-saarka dalka. Tani waxay gacan ka geysanaysaa in la daboolo hoos u dhaca dabiiciga ah ee ka yimaadda ceelasha duqoobay, isla markaana la dhimo kharashaadka maalgelinta (CAPEX).

Shirkadda Apache, oo ka hawlgalaysay Masar tan iyo bartamihii sagaashamaadkii, ayaa ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee soo saara shidaalka iyo gaaska lamadegaanka galbeed, iyada oo wada-shaqayn la leh EGPC iyo shirkadda Khalda Petroleum.

Related posts

Xoghayaha A.Dibadda Mareykanka Oo Sheegay In Shirka Bari Ee G7 Looga Hadlayo Dagaalka Iran

Ganacsatada Suuqa Wayn Ee Bakaaraha oo ka Qeylinaya Dhulboobka ka Taagan Muqdisho..

Trump:-“Iran Iyadaa Nooga Baahi-badan Heshiiska.”