203
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa qoraal uu ku daabacay Truth Social ku sheegay in Mareykanku uu “burburiyay oo hoos u dhigay” sagaal markab oo badeed oo Iiraani ah, qaar ka mid ahna ay “ahaayeen kuwo weyn oo muhiim ah.”
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in militariga Mareykanka uu “si weyn u burburiyay” xarunta guud ee ciidamada badda ee Iiraan.
Trump ayaa yiri Mareykanku hadda wuu daba-galayaa inta ka harsan ciidamada badda ee Iiraan. “Si dhawaanna waxay ku quusi doonaan badda hoose,” ayuu ku daray.