Dowladda Mareykanka ayaa diiday fiisaha gelitaanka shan qof oo u ololeeya arrimaha dijitaalka, kuwaas oo ay ku jiraan labo muwaadin oo u dhashay Boqortooyada Ingiriiska (UK). Dowladda Mareykanka ayaa ku eedeysay in shaqsiyaadkan ay cadaadis ku saareen shirkadaha baraha bulshada ee Mareykanka si ay u xaddidaan aragtiyo ay iyagu ka soo horjeedaan.
Labada qof ee u dhashay UK ayaa kala ah Imran Ahmed, oo hore ula-taliye ugu ahaa xisbiga Shaqaalaha ee UK isla markaana hadda ah madaxa Xarunta La-dagaallanka Naceybka Dijitaalka (CCDH), iyo Clare Melford, oo ah aasaasaha iyo madaxa Xarunta Global Disinformation Index (GDI).
Dadka kale ee fiisaha loo diiday waxaa ka mid ah nin u dhashay Faransiiska oo hore uga tirsanaa Baarlamaanka Midowga Yurub, iyo mas’uul u dhashay Jarmalka.
Go’aankan ayaa yimid kadib markii maamulka Madaxweyne Donald Trump uu sheegay in shaqsiyaadkan iyo ururradooda ay qeyb ka yihiin waxa uu ugu yeeray “dhaqdhaqaaqa faafreebka caalamiga ah.” Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa sheegay in tallaabadan ay jawaab u tahay dadaallo lagu xakameynayo xorriyadda hadalka, gaar ahaan kuwa lagu beegsanayo shirkadaha tiknoolajiyada ee Mareykanka.
Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale ku eedeysay ururka CCDH in uu hore ula shaqeeyay maamulkii Madaxweynihii hore Joe Biden, arrin ay u aragto mid muujinaysa xiriir siyaasadeed.
Dhanka kale, Clare Melford ayaa sheegtay in ururka ay aasaastay ee GDI uu yahay hay’ad aan faa’iido doon ahayn oo ujeedkeedu yahay la socodka iyo la-dagaallanka wararka beenta ah ee internet-ka lagu faafiyo. Afhayeen u hadlay GDI ayaa tallaabada Mareykanka ku tilmaamay “weerar kalitalisnimo oo ka dhan ah xorriyadda hadalka.”
Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa isna cambaareeyay go’aanka, isaga oo ku tilmaamay “tallaabo cabsi-gelin ah.”
Midowga Yurub ayaa ka dalbaday Mareykanka in uu bixiyo faahfaahin dheeraad ah, iyaga oo sheegay in ay “si degdeg ah” uga jawaabi doonaan arrintan, maadaama ay taabaneyso xiriirka diblomaasiyadeed iyo mabaadi’da xorriyadda hadalka.
