Shirkadda diyaaradaha ee El Al oo ah diyaaradda Israel ayaa maanta fulinaysa howlgal daadgureyn ah oo lagu qaadayo muwaadiniin haysta dhalashada Mareykanka kuwaas oo muddo ku go’doonsanaa magaalada Tel Aviv.
Duullimaadyadan ayaa qeyb ka ah heshiis ay shirkaddu la gashay dowladda Mareykanka si muwaadiniinteeda looga saaro goobaha ay saameeyeen colaadaha iyo duqeymaha ka socda gobolka.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in ugu yaraan lix duullimaad ay maanta ka ambabaxayaan Tel Aviv, kuwaas oo qaadaya dadkaasi ku go’doonsanaa magaalada. Dadkan ayaa la sheegay inay si weyn u saameeyeen xaaladda amni ee sii xumaanaysay, gaar ahaan duqeymo culus oo ay fulisay Iran kuwaas oo burbur u geystay qaar ka mid ah goobihii ay dadkani gabaadsanayeen.
Duqeymahan ayaa sidoo kale abuuray cabsi xooggan oo ku saabsan ammaanka dadka rayidka ah ee ku sugan magaalada.
Ilo ku dhow howlgalka safarradan ayaa u sheegay warbaahinta in dowladda Mareykanka ay kharash badan ku bixisay diyaarinta duullimaadyadan gaarka ah.
Tallaabadan ayaa la sheegay inay qeyb ka tahay dadaal ay maamulka Madaxweyne Donald Trump ku doonayaan inay ku xaqiijiyaan badbaadada muwaadiniintooda, si looga fogaado suurtagalnimada dacwado mustaqbalka ka dhalan kara eedeymo ah in dowladda ay dayacday ammaanka iyo badbaadada dadkeeda ku sugan meelaha colaadaha ka socdaan.
Diyaaradaha El Al ee daadguraynta sameynaya ayaa la filayaa inay caga dhigtaan magaalada New York City.
Marka ay halkaas gaaraan, muwaadiniintan waxaa loo qorsheeyay in la geeyo goobo gaar ah oo loogu talagalay in lagu ilaaliyo xogtooda iyo ammaankooda. Sida lagu sheegay qorshaha, tallaabadan waxaa loogu talagalay in laga hortago in warbaahinta ay si toos ah ula kulanto ama wareysato dadkaas, maadaama xaaladdooda iyo faahfaahinta safarkooda loo arko arrin xasaasi ah.