Mareykanka Oo Shaaciyay in 140 askari oo Mareykan ah Lagu Dhaawacay Dagaaka Iiraan

by Heemaaln
0 minutes read

Pentagon Maraykanka ayaa hadda bayaan uu soo saaray ku sheegay in ku dhowaad 140 askari oo Mareykan ah ay ku dhaawacmeen tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka Iran 28-kii Febraayo.

Bayaan uu soo saaray afhayeenka Pentagon-ka Sean Parnell ayaa lagu sheegay in “inta badan dhaawacyadu ay ahaayeen kuwo fudud”, isla markaana 108 askari ay mar hore ku soo laabteen shaqadoodii.

Wuxuu intaas ku daray:“Sideed askari ayaa weli lagu diiwaangeliyey inay si daran u dhaawacmeen, waxaana la siinayaa heerka ugu sarreeya ee daryeel caafimaad.”

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.