Sawirro satellites China bixiyeen ayaa muujinaya in uu dib u gurtay masaafo dhan 1,100km halka markii hore uu joogay 350km meel ka dambeysa xeebaha dalka Cumaan.
Dib ugurashadan waxa ay timid markii ciidanka ilaalada kacaanka Iran sheegeen in markabku duqeyn ku waxyeelleeyeen.
Mareykanka ayaa sheegay in 12 bilyan oo dollar ay kaga baxday dagaalka ay Iiraan kula jiraan ee socda todobaadkii sedexaad.

Dhinaca kale Weerar maanta ka dhacay saldhigga cirka ee Ali Al‑Salem oo ku yaalka Kuwait oo ay wadajir u adeegsadaan Mareykanka iyo dalal NATO ayaa la xaqiijiyay inay maanta ku burburtay diyaarad wax basaasta ee Mareykanka uu soo saaro MQ-9A Predator oo la sheegay inay lahaayeen ciidan Talyaani ah oo saldhigga ka howlgallo.
Xoghayaha Ciidanka Difaaca Talyaaniga ayaa xaqiijiyay in ay !ran weerar ku qaaday saldhig Milatari oo dalka Kuwait ku yaalla. Saldhigan oo ciidanka Talyaniga iyo Maraykanku wadda isticmaallan ayuu sheegay in qaybihii diyaaradaha iyo qalabkoodii lagu burburiyay. Wuxuu sheegay in bur-bur hantiyeed un soo gaadhay, balse aysan ciidankodii wax ku noqon.
Waxaa lagu sheegay qiimaha diyaaradan inuu u dhaxeeyo 30 illaa 34 milyan oo dollar , sida uu weriyey wargeyska Guardian.
Warsaxaafadeed maanta ka soo baxay ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan ayaa lagu sheegay in gantaallada ay illaa hadda adeegsanayso Iiraan inay yihiin kuwa toban sanno ka hor la sameeyay oo illaa hadana aan la adeegsan gantaallo casri ah oo la sameeyay inta uu socday iyo wixii ka dambeeyay dagaalkii bartamihii sannadkii hore ee 12 maalin socday, sida ay werisey Al Jazeera.
