Markabka diyaaradaha qaada ee Mareykanka USS Gerald R. Ford ayaa Khamiistii waxaa ka kacay dab xilli uu marayay badda badda cas. Markabkan oo aad u weyn, miisaankiisuna gaarayo qiyaastii 100,000 tan, ayaa ka mid ah maraakiibta dagaal ee ugu casrisan uguna waaweyn ee ciidamada badda Mareykanka.
Dabka ayaa ka kacay qaybta ugu weyn ee dharka lagu dhaqo ee markabka. Intii ay dhacdadu socotay, laba askari ayaa ku dhaawacmay gubasho. Si kastaba ha ahaatee, dhaawacyadoodu ma aha kuwo nafta halis gelinaya, waxaana si degdeg ah u daweynaya shaqaalaha caafimaadka ee markabka saaran.
Dhanka kale inta ay Maraykanku warka sheegin waxaa war ka soo saaray markabkan Iiraan oo sheegtay in ay beegsatay, waxaa taas dheer warbaahinta maraykanka ayaa ayduna qoraysa in markab dagaal oo Iiraan eedahay uu u soo dhawaaday markabkan, loomana ogola in warbaahintu booqoto.
Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in dabka hadda la xakameeyay, isla markaana uusan wax xiriir ah la lahayn dagaal ama weerar. Inkastoo dabku dhacay, markabku weli wuu shaqeynayaa wuxuuna sii wadaa hawlgalladiisa caadiga ah.