Masar Oo Ciidamo Iyo Dayaarado Milatari U Soo Diraysa Soomaaliya

Dowladda Masar ayaa si rasmi ah uga dhawaaqday shir madaxeedkii Midowga Afrika ee ka qabsoomay magaalada Addis Ababa inay dhawaan u soo diri doonto Soomaaliya ciidamo iyo diyaarado militari, kuwaas oo qayb ka noqon doona Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Go’aankan ayaa la sheegay inuu yimid kadib codsi rasmi ah oo ka yimid Midowga Afrika, gaar ahaan Golaha Nabadda iyo Amniga (PSC), iyo sidoo kale dowladda Soomaaliya, si loo xoojiyo dadaallada lagu sugayo amniga iyo xasiloonida dalka.

Masar: Amniga Soomaaliya Waa Mid Qaran

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty, oo la hadlayay telefishanka Al Jazeera, ayaa sheegay in ka qaybgalka Masar ee howlgalka AUSSOM uu yahay mid ku saleysan mas’uuliyad goboleed iyo mid istiraatiiji ah.

Abdelatty ayaa tilmaamay in amniga Soomaaliya uu si toos ah ugu xiran yahay amniga qaran ee Masar, dalalka Carabta iyo qaaradda Afrika, isaga oo xusay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee ay Soomaaliya ku leedahay marin-biyoodka Badda Cas iyo marinada ganacsiga caalamiga ah.

“Midnimada dhulka Soomaaliya waa arrin aad muhiim u ah,” ayuu yiri wasiirku, isaga oo ka digay isku day kasta oo lagu kala qaybinayo Soomaaliya ama lagu goynayo qayb ka mid ah dhulkeeda, taas oo uu sheegay in aan la aqbali karin.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Booqday Qaahira

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar waxa uu sidoo kale shaaciyay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu dhowaan booqasho ku tagay magaalada Qaahira, halkaas oo uu ku kormeeray cutubyo ka tirsan ciidamada Masar ee isu diyaarinayay ku biirista howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya.

Booqashadaas ayaa muujinaysa heerka iskaashi ee sii xoogaysanaya ee u dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo difaaca.

Itoobiya oo Ka Soo Horjeedda

Dhanka kale, dowladda Itoobiya ayaa la sheegay inay si cad uga soo horjeeddo in ciidamo ka socda Masar la geeyo Soomaaliya. Itoobiya iyo Masar ayaa muddo dheer isku hayay muran la xiriira biyaha webiga Niil, taas oo abuurtay xiisad diblomaasiyadeed oo u dhaxaysa labada dal.

Itoobiya ayaa arrintan u aragta mid horseedi karta xasilooni darro ka dhalata Gobolka Geeska Afrika, isla markaana saamayn karta danaha amni ee ay ku leedahay Soomaaliya iyo gobolka guud ahaan.

Go’aanka Masar ee ku biirista howlgalka AUSSOM ayaa imanaya xilli ay jirto loollan siyaasadeed iyo mid istiraatiiji ah oo ka jira Geeska Afrika, iyadoo indhaha lagu hayo sida uu saameyn ugu yeelan doono xiriirka dalalka gobolka iyo dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya.

Related posts

In ka badan Kun Askri oo ICE ah Oo laga Saaray Minnesota.

Shiinaha Oo Maanta Xaqiijiyay inuu Iran ku Wareejiyay Raadaarka nooca YLC-8B.

Erdogan Oo Baajiyay Booqashadii Uu ku Tagayay Imaaraadka Iyo Sababta loo Baajiyay