Masar oo Madaxweynaha Somaliya u soo Bandhigtay Ciidan ka Qaybgalaya Howlgalka AUSSOM.

Masar ayaa si firfircoon uga qayb qaadanaysa hawlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya, iyadoo muujinaysa sida ay uga go’an tahay ka shaqeynta ammaanka iyo xasiloonida guud ahaan Qaaradda Afrika.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqday ciidanka Masar ee qaybta ka ah hawlgalka Midowga Afrika ee taageerada midnimada, ammaanka, iyo Soomaaliya. Booqashada waxaa sidoo kale ka qayb galay Taliyaha Guud ee Ciidanka, Sareeye Guuto Cabdulmjeed Sacar, Taliyaha Guud ee Ciidanka, Axmed Khaliifa, iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada qalabka sida.

Inta lagu guda jiray booqashada, waxaa la soo bandhigay diyaargarowga ciidamada iyo tababarada ay qaateen, kuwaasoo muujinaya heerka sare ee diyaar garowga iyo awoodda dagaal ee ciidamada Masar.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ku bogaadiyay ciidamada sida ay uga go’an tahay ilaalinta amniga iyo taageerada Soomaaliya walaasheed.

Booqashadan ayaa sidoo kale muujisay sida Masar ay uga go’an tahay ka qayb qaadashada nabad ilaalinta caalamiga ah iyo xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhaxeeya labada dal.

Related posts

Trump oo sheegay in ayna u baahnayn taageero ay ugu yaboohday UK

Sadiq Khan: Keir Starmer wuu ku saxsan yahay in uu iska difaaco Trump

Jarmalka oo ka guuray bariga dhexe, kana daad guraynaya ciidankiisa