Monday, March 9, 2026

Masar Oo usoo Jeedisey Dalalka Carabta in Deg-dega loo Sameeyo Ciidamo Carbeed oo wadajir ah,

by Heemaaln
1 minutes read

Masar ayaa usoo jeedisey Dalalka Carabta in si degdega loo sameeyo ciidamo Carbeed oo wadajir ah, si loo wajaho hanjabaadaha iyo weerarada lagu soo qaadayo dhulka dalalka Carbeed.

Intii maanta lagu guda jirey Shirkii Gollaha Jaamicada Carabta oo looga hadlayay weerarada ay Iiraan ka geysanayso dalalka Carabta ayaa Wasiirka Arrimaha Dibada ee Masar wuxuu sheegay iney muhiim tahay in la xoojiyo ammniga qaranka dalalka Carbeed.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Masar wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la hirgaliyo iskaashi ammni oo wadajir ah oo udhexeeya dalalka Carabta si loola tacaalo hanjabaadaha, sidoo kalena wuxuu soo jeediyay iney qasab tahay in la sameeyo Ciidamo Carbeed oo wadajir ah oo difaaca dhulka dalalka Carabta.

Sideed u aragtaa soo jeedinta Masar..?

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.