Mas’uuliyiin Irani ah iyo Dad Lagu Qabtay Ururinta Xog ku Saabsan Goobaha Muhiimka ah ee Tehran

Dowladda Iran ayaa sheegtay inay xirtay shan qof oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug leeyihiin falal basaasnimo, isla markaana xiriir la leh hay’ado sirdoon oo shisheeye, gaar ahaan kuwa Mareykanka iyo Israa’iil.

Mas’uuliyiinta ammaanka ee Iran ayaa sheegay in dadka la xiray lagu eedeeyay inay ururinayeen xog sirdoon oo ku saabsan goobaha muhiimka ah iyo masaajiddo ku yaalla caasimadda Tehran. Sida ay sheegeen, xogtaasi waxaa la tuhunsan yahay inay u gudbinayeen hay’ado sirdoon oo shisheeye.

Wararka ka imanaya Tehran ayaa tilmaamaya in baaritaanno lagu sameynayo dadka la xiray, iyadoo la isku dayayo in la ogaado heerka uu gaarsiisan yahay shabakadda lagu tuhunsan yahay inay ka shaqeyneysay gudaha dalka.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmeysa xilli ay sii xoogeysanayaan dagaallada sirdoonka iyo howlaha qarsoodiga ah ee u dhexeeya Iran iyo Israa’iil. Dowladda Iran marar hore ayaa sheegtay inay fashilisay shabakado basaasnimo oo ay ku eedeysay inay xiriir la leeyihiin sirdoonka Israa’iil ee Mossad.

Xiisadaha u dhexeeya Iran, Israa’iil iyo xulafadooda gobolka ayaa sii kordhayay sanadihii u dambeeyay, iyadoo labada dhinac marar badan isugu eedeeyeen weerarro qarsoodi ah iyo falal sirdoon oo ka dhaca gudaha iyo dibadda dalalkooda.

Related posts

USA oo u ogolaatay Israa’iil iib hub degdeg ah, iyo khaliijkii oo cidlo ku soo dhacay

Sacuudiga iyo Pakistan oo ka wada hadlay isku diyaarinta, dagaala iyo difaac wada jir ah

Xisbulah oo eryatay ciidamo Yuhuuda oo isku dayey hawlgal qarsoodi ah oo ay ka fulinayeen Lubnaan