Maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee ku jira xabsiyada Israa’iil horeba waxay wajahayeen xaalado aad u xun, iyadoo urur u dooda xuquuqda aadanaha uu diiwaangeliyay dhimashada ugu yaraan 94 maxbuus labadii sano ee la soo dhaafay, iyo kufsi lagula kacay maxaabiis oo xitaa lagu qabtay kamarado.
Wasiirka Israa’iil ee midigta fog, Itamar Ben-Gvir, oo mas’uul ka ah xabsiyada, ayaa si faan leh u sheegay in xaaladaha maxaabiista Falastiiniyiinta ay sii adkaadeen intii uu xilka hayay. Dabayaaqadii Oktoobar, wuxuu dul istaagay maxaabiis Falastiiniyiin ah oo lagu qasbay inay wejigooda dhulka saaraan, isaga oo ku baaqayay in lagu soo rogo xukun dil ah dadka uu ugu yeeray “argagixiso” Falastiiniyiin ah.
Ben-Gvir waxa laga yaabaa inuu dhawaan helo waxa uu doonayo.
Horraantii Nofeembar, baarlamaanka Israa’iil ayaa meel mariyey akhrintii koowaad ee hindise sharciyeed lagu soo rogayo xukun dil ah qof kasta oo lagu helo inuu dilay Israa’iiliyiin, haddii dilkaasi lahaa “ujeeddo cunsuriyadeed” ama lagu sameeyay “ujeeddada waxyeellaynta Israa’iil”.
Sharcigan ayaa si cad u beegsanaya Falastiiniyiinta, xilli Israa’iiliyiintu ay weerarro dhimasho leh ku hayaan Falastiiniyiinta Daanta Galbeed ee la haysto, Israa’iilna ay sii waddo dilka Falastiiniyiinta ee Gaza.
Falcelinta Falastiiniyiinta ayaa ahayd mid aad u adag. Waxa ay u arkaan arrintan ma aha oo kaliya sharci kale, balse waa calaamad muujinaysa in Israa’iil ay qorshaynayso inay sharciyeyso dil bareer ah oo ay ku fuliso shacabaka ay ka afduubto.
“Sharcigan wuxuu si dhab ah u qeexayaa in la dilo maxaabiista kaliya sababtoo ah halgankooda xorriyadda dadkooda iyo xaqa is-go’aaminta,” ayuu yiri Farid al-Atrash, agaasimaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha ee Daanta Galbeed ee la haysto.
Walwal baahsan ayaa soo wajahay qareennada iyo u-dhaqdhaqaaqayaasha Falastiiniyiinta. Waxay sheegayaan in sharcigu si aasaasi ah u wiiqayo dammaanadaha garsoorka, waxayna ka digayaan in uu doonayo in la tirtiro xaaladda maxaabiista Falastiiniyiinta ee ay ku leeyihiin ilaalin hoos timaadda sharciga caalamiga ah.
Ka qaadista ilaalinta
Marka loo eego hindisaha sharciga, maxkamadaha Israa’iil kuwa madaniga ah iyo kuwa milatariga waxay heli doonaan awood ballaaran oo ay ku soo rogi karaan xukun dil oo qasab ah Falastiiniyiinta lagu helo inay dileen Israa’iiliyiin, marka falalkaas loo arko kuwo ka dhashay ujeeddooyin qaranimo, cunsuriyad ama nacayb, ama loogu talagalay in lagu waxyeelleeyo Dawladda Israa’iil ama dadkeeda.
Sidoo kale, sharcigu wuxuu meesha ka saaraya awoodda dowladda ama madaxweynaha ee cafiska qof kasta oo lagu xukumay dil dambiyadaas awgood, mana waajibinayo in guddi garsoorayaal ah ay si wadajir ah (hal cod) ugu heshiiyaan xukunka.
Al-Atrash ayaa sharciga la soo jeediyay barbar dhigay sida Israa’iiliyiinta loola macaamilo kiisaska la xiriira rabshadaha ka dhanka ah Falastiiniyiinta iyo dilalka ay u gaystaan, kuwaas oo inta badan la sii daayo ama la bari yeelo.
Sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada
Dadka dhaliila ayaa sheegaya in tallaabada sharciyeynta xukunka dilka ay qayb ka tahay dadaal ballaaran oo lagu doonayo in Falastiiniyiinta laga xayuubiyo ilaalintooda hoos timaadda sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada, maadaama ay yihiin dad la haysto oo leh xaq iska-caabin.
“Baarlamaanka Israa’iil (Knesset), oo ay maamulaan kooxaha midigta fog, wuxuu ka shaqaynayaa inuu dilka ka dhigo sharci rasmi ah,” ayuu yiri Hassan Breijieh, madaxa xafiiska Baytlaxam ee Guddiga Iska-caabbinta Darbiga iyo Degsiimooyinka. “[Sharciga la soo jeediyay] waa isku day lagu tirtirayo aqoonsiga caalamiga ah ee dagaalyahanka Falastiiniga ah loona beddelayo inuu noqdo dambiile maxkamadeed.”
