Maxkamada Ciidamada Oo Xukun ku Riday Rag Dlal iyo Garaxyo ka Geystay Balad Xaawo

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun kama dambeys ah ka soo saartay kiiska Maxamed Aadan Abuukar (Xeydar) iyo Maxamed Qadar Cali Aadan, kuwaas oo loo heystay dilal iyo qaraxyo ka dhacay magaalada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo sanadkii 2025.

Baaris dheer kadib, Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa codsaday qaadista kiiska, waxaana dacwadda loo maray fadhiyo kala duwan oo maxkamadeed.

Maxkamadda Darajada Koowaad ayaa 4-tii Bishii Diseembar 2025 ku xukuntay:

Maxamed Aadan Abuukar – 15 sano oo xabsi argagixiso ah

Maxamed Qadar Cali Aadan – 10 sano oo xabsi argagixiso ah

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa racfaan ka qaatay xukunkaasi.

4-tii bishan, Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa dhageysatay dalabka racfaanka, iyadoo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda si ay u soo bandhigaan doodahooda sharciyeed.

Ugu dambeyn, maxkamaddu waxay maanta ku wada xukuntay labadii eedeysane min 15 sano oo xabsi argagixiso ah, taas oo ka dhigan in xukunka midkood la kordhiyay si loo waafajiyo aragtida xeer ilaalinta.

Related posts

Madaxweynaha Colombia Oo Ugu Baaqay Trump inuu ka Fogaado R/Wasaraha Israa’iil Netanyahu.

Dawlada Jabuuti Oo Taageero u Muujisey Imaaraadka Carabta, ka dib Wada-hadal dhexmaray

Iiraan Oo Caawa Gubtay Dhismaha Marina Tower ee Dubai oo ka kooban 90 Dabaq oo Gubanaya