Maxkamadda Sare ee Maraykanka oo Laashay Canshuurihii Badeecadaha ee Trump

by Heemaaln
1 minutes read

Maxkamadda Sare ee Maraykanka ayaa go’aan kama dambays ah ku laashay canshuurihii badeecadaha dibadda laga keeno ee uu soo rogay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, iyada oo ku tilmaantay in tallaabadaasi ay jebinayso dastuurka dalka.

Go’aankan ayaa noqday kii ugu weynaa ee si toos ah u saameeya ajandaha dhaqaale ee Trump, ka dib markii maxkamado hoose ay hore uga hor yimaadeen sharciyadda canshuurahaasi.

Aqlabiyadda garsoorayaasha ayaa sheegtay in awoodda cashuur dejintu si cad ugu taal Kongareeska, ayna tahay mid aan Madaxweynaha si keligiis ah u qaadan karin. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, John Roberts, ayaa qoray in “aasaasayaashii Maraykanku aanay wax qayb ah oo ka mid ah awoodda cashuuraha u xilsaarin laanta fulinta.”

Si kastaba ha ahaatee, saddex garsoore ayaa diiday go’aanka aqlabiyadda. Garsoorayaasha kala ah Brett Kavanaugh, Samuel Alito iyo Clarence Thomas ayaa ku dooday in canshuurahaasi ay sharciyad ku fadhiyaan marka loo eego qoraalka iyo taariikhda dastuurka. Kavanaugh ayaa xusay in inkastoo siyaasadda laga doodi karo, haddana ay waafaqsanyihiin sharciyada. Trump ayaa ku ammaanay diidmada Kavanaugh isagoo ku tilmaamay “mid heer sare ah.”

Maxkamaddu si cad ugama hadlin su’aasha ah in ganacsiyada dib loogu celin doono lacago balaayiin dollar ah oo ay hore u bixiyeen. Shirkado badan, oo ay ka mid tahay silsiladda bakhaarada waaweyn ee Costco, ayaa dacwooyin ka gudbiyay maxkamadaha hoose iyaga oo dalbanaya in lacagohooda loo soo celiyo. Kavanaugh ayaa qiray in habka dib-u-celinta lacagahaasi uu noqon karo mid “qalafsan.”

Xogta federaalka ayaa muujinaysa in Wasaaradda Maaliyaddu ay ururisay in ka badan $133 bilyan oo doolar oo ka yimid canshuurahaasi ilaa bishii December. Saamaynta dhaqaale ee muddada tobanka sano ee soo socota ayaa lagu qiyaasay ku dhawaad $3 tirilyan.

Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka, JD Vance, ayaa go’aanka ku tilmaamay “ku tumasho sharci” qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada.

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.