Maydadka 84 Badmaaxe oo Reer Iran ah Oo Maraykanku Dilay oo Iran loo Qaadayo

84 mayd oo ka mid ah badmaaxayaal Iiraaniyiin ah oo ku dhintay weerar dhanka badda ah oo uu fuliyay quusaa-badeed oo Maraykan ah, kaas oo ka dhacay toddobaadkii hore Badweynta Hindiya.Maydadka dadkan ayaa Jimcaha dib loogu qaadi doonaa Iran, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca ee Sri Lanka.

Badmaaxiintan ayaa ka mid ahaa ku dhowaad 130 qof oo la rumeysan yahay inay saarnaayeen markabka dagaalka ee IRIS Dena, kaas oo 4-tii Maarso ku degey meel qiyaastii 40km u jirta xeebaha koonfureed ee Sri Lanka. Maydadka waxaa loo qaaday Mattala Rajapaksa International Airport si loogu celiyo Iran, kadib markii lagu hayay qaboojiyeyaal ku yaalla isbitaalka Galle National Hospital.

Maxkamad ku taalla magaalada Galle ayaa amartay in maydadka loo gacan geliyo safaaradda Iran. Dhanka kale, 32 badmaax oo ay badbaadisay ciidamada badda Sri Lanka ayaa la sheegay inay weli dalkaas joogi doonaan.

Wasiirka Difaaca Maraykanka Pete Hegseth ayaa sheegay in markabka Iiraan uu “si aamusan u dhintay”, halka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Abbas Araghchi uu ku eedeeyay Maraykanka inuu fuliyay “fal arxan darro ah oo ka dhacay badd.”

Related posts

Sh Cabdi Xayi “Trump waxaa Dagaalka Iran ku Qasbay Isra1l Oo Muuqaalo Anshax Xumo ah oo Laga hayay.”

Turkiga oo Somalia u soo Diray Afar Markab oo kuwa Dagaalka ah

Somaliya Iyo Maraykanka Oo kala Saxiixday Heshiis Isfaham Oo ku saabsan Sahminta, soo Saarista Macdanta Muhiimka ah (Critical Minerals).