Midowga Afrika oo ka Dalbaday Israel in ay si Deg-deg ah uga Laabato Aqoonsiga Somaliland

by Heemaal
1 minutes read

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AU) ayaa mar kale xaqiijiyay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo diiday aqoonsi kasta oo Somaliland loogu aqoonsanayo dal madax-bannaan.

Goluhu wuxuu soo saaray bayaan uu ku celinayo cambaareyntiisa adag iyo diidmadiisa ku aaddan aqoonsiga hal dhinac ah ee Israa’iil u siisay waxa loogu yeero Jamhuuriyadda Somaliland,” wuxuuna dalbaday in si degdeg ah looga noqdo tallaabadaas.

Kulan heer wasiir oo ka dhacay Addis Ababa, caasimadda Itoobiya, ayaa goluhu sheegay in cidna aanay lahayn awood ama sharciyad ay ku beddesho qaab-dhismeedka dhuleed ee dowlad xubin ka ah Midowga Afrika,” isla markaana caddeyn kasta oo noocaas ahi ay tahay waxba kama jiraan oo aan wax saameyn sharci ah ku lahayn sharciga caalamiga ah.

Bayaanka adag ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka ayaa yimid kaddib markii Israa’iil ay 26-kii Diseembar ee sanadkii hore ku dhawaaqday inay si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland inay tahay dal madax-bannaan oo leh madax-bannaani buuxda, iyada oo noqotay waddanka keliya ee sidaas sameeya. Tallaabadaas ayaa dhalisay cambaareyn xooggan oo ka timid dalalka gobolka.

Goluhu wuxuu soo dhoweeyay guulaha milatari ee dhawaan laga gaaray kooxda Al-Shabaab, wuxuuna ku dhiirrigeliyay ciidamada ammaanka Soomaaliya, oo ay taageerayaan howlgalka Midowga Afrika (AUSSOM) iyo saaxiibbada kale, inay sii wadaan howlgallada si si wax ku ool ah loo wiiqo loogana adkaado Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.