Heemaal News Network

Midowga Afrika oo War ka soo Saaray Codbixintii Maanta Muqdisho ka Dhacday

Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa soo dhoweeyay sida guusha iyo nabad-gelyada leh ee ay maanta ugu qabsoontay magaalada Muqdisho doorashaddii golaha deegaanka ee G/Banaadir, iyagoo ku tilmaamay doorashadan guul taariikhi ah oo u soo hoyatay geeddi-socodka dimuqraadiyadda Soomaaliya, kala guurka amniga iyo geeddi-socodka dowlad-dhisidda.

“Markii ugu horreysay muddo tobanaan sano ah, muwaadiniinta Muqdisho waxay heleen fursad ay si toos ah u doortaan hoggaankooda maxalliga ah iyagoo ku dooranaya cod-bixin caalami ah. Dhaqanka nabadda, mas’uuliyadda bulshada, iyo ka-qaybgalka xooggan ayaa muujiyay, waxay ka tarjumaysaa adkaysiga, geesinimada iyo go’aannada sii kordhaya ee dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ahna Madaxa AUSSOM, Ambassador El Hadji Ibrahima Diene.

Sidoo kale, Ergayga ayaa iftiimiyay in doorashadu u dhacday si nabad-galyo iyo habsami leh, iyadoo hoosta ka xariiqday horumarka laga gaaray sare u qaadista amniga iyo kalsoonida ay shacabku ku qabaan ciidamada nabadsugidda Soomaaliyeed (SSF).

Danjire Diene ayaa ku ammaanay DFS iyo hay’adaha amniga sida hufnaanta leh iyo isku dubbaridka ay u fududeeyeen jawi deggan oo ammaan ah inta lagu guda jiro geeddi-socodka doorashada.

“AUSSOM waxay xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay inay taageerto nabadda ay Soomaalidu hoggaamiso, iyo hannaanka xasilloonida iyadoo iskaashi dhow la yeelanaysa beesha caalamka” ayuu yiri wakiilka midowga afriika ee Somalia.