Midowga Yurub oo ka Digay Halis Burcad-badeed oo ka soo Cusboonaatay Xeebaha Somaliya

Howlgalka badda ee Midowga Yurub ayaa ka digay khatar burcad-badeednimo oo ka jirta meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya, kaddib warbixin muujinaysa in dooni la afduubtay loo adeegsan karo weerarro kale.

Xarunta la socodka amniga maraakiibta ee Maritime Security Centre Indian Ocean, ayaa faafisay xogtan, iyadoo sheegay in dooni laga leeyahay dalka Iiraan, laguna magacaabo “ALWASEEMI 786”, ay gacanta u gashay kooxo looga shakisan yahay burcad-badeed.

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in doonida la afduubtay laga yaabo in loo adeegsado weerarro kale oo lagu beegsado maraakiibta ganacsiga ee mara badda.

Goobta ugu dambeysay ee doontaan lagu arkay ayaa lagu sheegay qiyaastii 400 mayl-badeed u jirta dhinaca bari ee Muqdisho, taas oo sare u qaadday walaaca amni ee marin-biyoodka muhiimka ah.

Howlgalka Midowga Yurub iyo xarumaha la socda ammaanka badda ayaa ku boorriyay maraakiibta ku sugan aaggaasi inay ka fogaadaan goobta, isla markaana muujiyaan feejignaan dheeraad ah.

Digniintan ayaa imaneysa xilli ay soo baxayaan calaamado muujinaya in burcad-badeednimada ay dib uga soo laba-kacleyneyso xeebaha Soomaaliya, kaddib sanado hoos u dhac ahaa.

Dhawaan, Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub ayaa ku heshiiyay in la xoojiyo howlgalada badeed ee ka socda xeebaha Soomaaliya iyo Badda Cas.

Related posts

Jabuuti Oo Sare u Qaadday Xoojisay ilaalinta Marinka Muhiimka ah Ee Baabul-Mandab.

Iiraan oo Qiratay In Gantaal ka khaldamay Uu 6 Qof Ku Dilay Ciraaq

Iiraan oo Faahfaahisay Tirada Ganataalada ay ku Weerartay Israa’iil iyo Goobaha Ay Beegsatay..