Wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka, Johannes Wiedeful, ayaa sheegay in aanu arkin wax door ah oo ay NATO ku leedahay xallinta xannibaadda marinka Hormuz.
“Ma arko in NATO ay go’aan ka gaartay arrintan ama ay qaadi karto masuuliyad ku saabsan Hormuz,” ayuu yiri.
Wiedeful ayaa hadalkan ka jeediyay ka hor kulanka wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Reer Yurub ee Brussels.
Wuxuu sheegay in inkastoo xaaladda Bariga Dhexe ay tahay mid aan degganeyn, mudnaanta ugu weyn ee ammaanka ee Yurub ay tahay Ukraine.