Mikel Arteta oo werwersan. “WaxaanBilaabi Doonaa Isbadal Wayn” ka hor (warm-up)

Mikel Arteta ayaa tilmaamay in Arsenal laga yaabo inay sameeyaan isbeddel weyn oo ku saabsan hab-raaca kulamada ka hor (warm-up), kadib dhaawacyo isdaba joog ah oo ku dhacay ciyaartoyda daqiiqado yar ka hor bilowga ciyaaraha.

Dhibaatooyinka warm-up-ka

Axaddii waxay noqotay markii shanaad xilli ciyaareedkan oo ciyaaryahan Arsenal ah uu dhibaato la kulmo wax yar ka hor kickoff. Riccardo Calafiori ayaa ka baxay safka bilowga kulankii FA Cup ee ay la ciyaareen Wigan Athletic kadib dhaawac ku soo gaaray warm-up-ka — waana markii labaad ee uu sidan sameeyo 2025-26.

Sidoo kale, Bukayo Saka ayaa dhaawacmay ka hor kulankii horyaalka ee Leeds United bishii Febraayo, halka William Saliba uu canqowga ka dhaawacmay ka hor kulankii ay la ciyaareen Liverpool bishii Agoosto.

Arteta ayaa qiray in arrintan si qoto dheer loo baarayo, gaar ahaan ka hor kulanka ay la ciyaari doonaan Wolverhampton Wanderers.

Wuxuu yiri:
“Arrimuhu way kala duwan yihiin. Qaar waa shilal, qaarna waa murqo la mid ah. Laakiin afar jeer inay sidan u dhacdo waa wax aan caadi ahayn. Dabcan waan eegaynaa.”

Ma la joojin karaa warm-up-ka?

Arteta ayaa si lama filaan ah u soo jeediyay in xitaa laga yaabo inay gebi ahaanba baabi’iyaan warm-up-ka dhaqanka ah.

“Aniguba ciyaaryahan ayaan ahaan jiray, waxaan jecelnahay jadwal iyo nidaam gaar ah si jirkaagu u ogaado in ciyaartu soo dhowdahay,” ayuu yiri.
“Laakiin bal ka warran haddii aanan sameyn warm-up? Qeybta nasashada (half-time) waxaan fadhiisanaa ku dhowaad 15 daqiiqo kadibna si buuxda ayaan u bilaabnaa qeybta labaad. Waxaa laga yaabaa inay tahay wax laga fikiro.”

Arteta oo ka walaacsan dhaawacyada

Tababaraha Arsenal ayaa qirtay in dhaawacyadan ka hor ciyaarta ay ku abuureen walwal, isagoo sheegay inuu mararka qaar ka baqo marka qof albaabka xafiiskiisa soo garaaco kahor ciyaar.

“Marka aad beddesho Riccy oo aad ku darto Bukayo, waa inaad wax badan ka beddeshaa qorshaha ciyaarta — boosaska iyo xeeladda. Laba daqiiqo ayaad haysataa si aad taas u sameyso,” ayuu yiri.

Si kastaba, Arteta wuxuu aaminsan yahay in xaaladahani ka dhigayaan tababare ka feejigan oo diyaarsan xaalado kala duwan (“what if”).

Arsenal ayaa rajayn doonta inaysan wax dhaawac ah la kulmin ka hor kulanka Arbacada ee ay martida ugu yihiin Wolves, iyadoo kooxda hoggaanka haysa ay la ciyaareyso kooxda hooseysa horyaalka.

Related posts

Steve McClaren oo faahfaahiyey khilaafkii Cristiano Ronaldo iyo Erik ten Hag

Liam Rosenior oo si naxariis-darro ah loogu sheegay in shaqada laga eryi doono

Man United. Marcus Rashford iyo Barcelona oo qarka u saaran in ay heshiiyaan