Milateriga Israa’iil Oo Shaaciyay Inay Beegsan doonaan Cid Walba Oo Beddesha Khamenei

Milateriga Israa’iil ayaa fariin ay u direen Iran waxay ku sheegeen inay sii wadi doonaan beegsiga ay ku hayaan cid walboo beddesha Aayatullah Cali Khamenei-gii Iran.

Qoraal la soo dhigay X, Akoonka Afka Farsi ee IDF ayaa lagu yiri: “Golaha khubarrada Iran, oo aan shir isugu imaan muddo tobanaan sano ah, ayaa dhawaan isugu imaan doona magaalada Qom.

“Waxaan rabnaa in aan idiin sheegno in gacanta dawladda Israa’iil ay sii wadi doonto in ay raacdo qof kasta oo beddela iyo qof kasta oo doonaya in uu magacaabo beddelka.

“Waxaan uga digaynaa dhammaan kuwa doonaya inay ka qaybgalaan shirka lagu soo xulayo cidda beddeleysa inaan sidoo kale ka waaban doonin inaan idin beegsanno, tani waa digniin.”

Related posts

Qatar oo soo riday labbo diyaaradood oo Iiraan leedahay oo 2 daqiiqo u jirsday,,

Milateriga iyo siyaasiyiinta Iiraan oo taageeray hogamiyaha cusub, mucaaradka oo boqortooyo u arka

Trump oo ka carooday hoggaamiyaha cusub ee Iiraan