Iyadoo lagu jiro maalmihii ugu dambeeyay ee barakaysnaa ee bisha Ramadaan, xilli ay bulshadu isu diyaarinayso soo dhoweynta Ciidul Fidriga, ayaa waxa soo baxaya cabashooyin isa soo taraya oo ka imanaya qaar ka mid ah shaqaalaha Dawladda Hoose ee Boorama, kuwaas oo sheegaya in ay wajahayaan mushahar la’aan aan weli loo helin wax sharaxaad ah. Arrintani waxay si gaar ah u taabanaysaa 130 shaqaale ah oo la sheegay in laga reebay mushaar-bixintii bishii hore.
Sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah shaqaalahaasi, mushaharkoodii ayaa laga joojiyay iyada oo aan la siin wax sabab rasmi ah. Shaqaalahan oo intooda badan ka mid ah dadka danyarta ah ee noloshoodu ku tiirsan tahay mushaharka ay ka helaan shaqadooda, ayaa hadda wajahaya xaalad adag xilli ay qoysaskoodu u baahan yihiin taageero dhaqaale si ay niyad sami ugu dabaal dagaan maalmaha ciidda.
Arrintan ayaa dhalinaysa su’aalo adag oo ku saabsan masuuliyadda iyo hufnaanta maamulka Dawladda Hoose ee Boorama. Shaqaalaha dowladdu waa laf-dhabarta adeegyada bulshada, waxaana laga filayaa maamulka in uu ilaaliyo xuquuqdooda shaqo iyo mushaharkooda. In mushahar laga jaro ama laga joojiyo tiro shaqaale ah iyada oo aan la bixin sharaxaad cad, waxay muujinaysaa dayac maamul iyo dareen-la’aan ju kaliyaysanaysa shaqaalahan.
Waxaa sidoo kale xusid mudan in arrintani dhacday xilli ay bulshada oo dhan ku jirto marxalad u diyaargarowga ciidda, taas oo ka dhigaysa dhibaatada shaqaalahan mid aad uga culus dhinac nafsi iyo dhaqaale labadaba. Qoysas badan ayaa ku tiirsan mushaharka shaqaalahan, waxaana mushahar la’aantani sii kordhin kartaa culayska nolosha ee horeba u jiray.
Dadka falanqeeya arrimaha maamulka ayaa tilmaamaya in maamulka Dawladda Hoose ee Boorama looga baahan yahay in uu si degdeg ah uga jawaabo cabashooyinka shaqaalahan, uuna bixiyo sharaxaad cad oo ku saabsan sababta mushaharka looga joojiyay iyo tallaabooyinka lagu xallinayo arrintan. Haddii kale, dhacdadani waxay dhaawici kartaa kalsoonida shaqaalaha iyo sumcadda maamulka.
Ugu dambayn, xaaladdan mushahar la’aanta ah waxay noqonaysaa imtixaan dhab ah oo ku saabsan sida maamulka Dawladda Hoose ee Boorama uga jawaabi doono cabashada shaqaalihiisa. Shaqaaluhu waxay sugayaan jawaab iyo xal degdeg ah, maadaama ay u arkaan mushaharku inuu yahay xaq ay ku mutaysteen shaqada ay bulshada u hayaan.