Hay’adda NASA ayaa dib u dhigtay hawlgalkeeda Artemis II ee ku wajahan dayaxa ilaa ugu yaraan bisha Abriil, kadib markii injineeradu ogaadeen cilad cusub oo la xiriirta nidaamka helium-ka ee gantaalka, sida ay hay’addu sheegtay Sabtidii.
Hawlgalka, oo markii hore loo qorsheeyay 6-da Maarso, wuxuu noqon lahaa duulimaadkii ugu horreeyay ee ay dad ku tagaan dayaxa muddo ka badan 50 sano. Si kastaba ha ahaatee, dhibaatada la ogaaday intii lagu jiray tijaabooyinka joogtada ah ayaa keentay in maareeyayaasha hawlgalku ka saaraan suurtagalnimada daah-furka bisha Maarso.
Maamulaha NASA, Jared Isaacman, ayaa sheegay in ciladdu laga yaabo inay ku lug leedahay shaandheeye (filter), waal (valve) ama saxan isku xira (connection plate) oo cilladaysan. Wuxuu sheegay in habka keliya ee lagu baari karo loona dayactiri karo qaybta ay dhibaatadu saameysay ay tahay in gantaalka 322-fiit (98-mitir) ah ee Space Launch System dib loogu celiyo hangarkiisa ku yaalla Kennedy Space Center.
“Waxaan bilaabi doonnaa diyaargarowga dib-u-celinta, taasoo ka saareysa daah-furka Maarso qorshaha,” ayuu Isaacman ku qoray baraha bulshada ee Maraykanka laga leeyahay, X. Wuxuu intaa ku daray in fursadaha xiga ee daah-furku ay noqon karaan horraanta ama dhammaadka Abriil.
NASA waxay sheegtay in dhibaatadan ugu dambeysa aysan la xiriirin daadadkii shidaalka hydrogen-ka ee hore u sababay dib-u-dhacyo kale. Tijaabo dhowaan la sameeyay oo lagu buuxinayay shidaalka ayaa hore u siisay hawlgalka oggolaansho suurtagal ah oo daah-fur bisha Maarso ah ka hor inta aysan soo bixin dhibaatadan cusub.
Artemis II waxaa loo qorsheeyay in cirbixiyeenno lagu diro ku wareega dayaxa kadibna dib ugu soo laabtaan, taasoo noqon doonta hawlgalkii noocaas ah ee ugu horreeyay tan iyo markii barnaamijkii Apollo ee NASA uu dhammaaday 1972-kii. Barnaamijka Artemis wuxuu dhammaystiray hawlgalkiisii ugu horreeyay ee aan dad saarneyn sannadkii 2022.