Heemaal News Network

Natiijada lagu Gaaray Dadaalladii Diblomaasiyadeed ee Mowqifka lagu Taageerray Midnimada Somaliya

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa 48-kii saac ee u dambeeyay waday xiriirro diblomaasiyadeed oo joogto ah oo ay la sameysay ururrada caalamiga ah iyo dalal kala duwan, si loo helo mowqif caalami ah oo mideysan oo lagu taageerayo Soomaaliya, kaddib go’aankii ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland.

Dadaalladaas ayaa horseeday is-waafajin cad oo ku yimid mowqifka ururrada waaweyn ee caalamka, oo ay ka mid yihiin Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), IGAD, Bulshada Bariga Afrika (EAC), iyo dalal badan oo caalamka ah, kuwaas oo si isku mid ah u xaqiijiyay taageeradooda midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Waxaa la xaqiijiyay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu xiriirrada ugu badan la sameeyay Boqortooyada Sacuudiga iyo Dowladda Qatar, kuwaas oo door muuqda ka qaatay hoggaaminta dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu garab istaagayo Soomaaliya. Taas darteed, shir degdeg ah oo ay isugu yimaadeen Jaamacadda Carabta ayaa maanta lagu qabtay, kaas oo si cad loogu muujiyay taageerada midnimada Soomaaliya, isla markaana lagu mideeyay mowqifka dalalka Carabta.

Guud ahaan, natiijada ka dhalatay dadaalladan iyo xiriirrada firfircoon ee ay Madaxtooyadu la yeelatay beesha caalamka ayaa noqotay horumar diblomaasiyadeed oo la taaban karo, kaas oo Soomaaliya u suurageliyay inay hesho taageero ballaaran oo caalami ah.