NATO ayaa si dhow ula socota horumarka ka socda Iiraan iyo Bariga Dhexe, iyadoo taliyaha ugu sareeya ee Yurub uu hagaajinayo ciidamadeeda sida looga baahan yahay si loo difaaco “khataro suurtagal ah,” sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay isbahaysiga.
Afhayeen u hadlay NATO ayaa sheegay in Taliyaha Sare ee Isbahaysiga Yurub, Jenaraal Mareykan ah Alexus Grynkewich, “uu si firfircoon oo joogto ah ula hadlayo hoggaamiyeyaasha militari ee labada dhinac ee Atlantic-ka.”
Bayaan-ka ayaa intaas ku daray in taliyaha sare “uu horey u hagaajiyay, isla markaana sii wadi doono hagaajinta qaab-dhismeedka xoogga NATO si loo xaqiijiyo ammaanka 32da dal ee xubnaha ka ah loona difaaco Isbahaysiga khataraha suurtagalka ah, sida gantaallo ballistic ah ama diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, ee ka iman kara gobolkaas ama meelo kale.”