Netanyahu Oo Caawa Shacabka Iran Ugu Baaqay Inay ka Hortagaan Nidaamka Cusub Ee Iran

Ra’iisul Wasaaraha Benjamin Netanyahu ayaa diray farriin toos ah oo uu ugu tala galay shacabka Iran, isagoo ku booriyey inay ka hortagaan maamulka hadda jira.

Muuqaal uu dadka kulay wadaagay barta X, oo ay la socoto muusig filimaan ah iyo muuqaalo muujinaya dadweyne isugu yimid oo calanka Libaaxa iyo Qorraxda ee Iran iyo calanka Israa’iil u lulaya, ayaa Netanyahu ku sheegay in dalkiisu uu ujeedkiisu yahay: “in Iran laga xoreeyo… addoonsiga iyo kali-talisnimada”.

Wuxuu intaa ku daray in ugu dambeyntii ay tahay doorashada Iraniyiinta inay u istaagaan si maamulka uu dhaco. “Waxaan aaminsanahay haddii aad istaagtaan xilliga xaqiiqda, ma foga maalinta Israa’iil iyo Iran ay dib u noqon doonaan asxaab geesiyaal ah,” ayuu raaciyey.

Mas’uuliyiinta Israa’iil, oo ay ku jiraan Netanyahu, ayaa si cad u sheegay inay rajeynayaan in xiisadda socda ay horseedi karto isbeddel maamul oo ka dhaca Iran.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar Oo si Adag Mar kale Uga Hadlay Weerarrada Iran

Nin la Dhashay Ra’isal-wasaare Natenyahu oo lagu Baqtiyay Duqaymaha Iran

Shacabka Iran Oo Iskugu soo-baxay Taageerada Hoggaamiyaha Ruuxiga Cusub ee Iran