Netanyahu ayaa isku diyaarinaya inuu Trump ku qanciyo weerar wadajir ah oo ay Israa’iil iyo Mareykanka ku qaadaan Iiraan, isagoo la wadaagaya Trump , wax uu ku sheegay “ Khatar haddii aan laga hortagin uu Mareykanka ka shalleyn doono,” sida ay baahisay warbaahinta Mareykanka ka soo baxda ee NBC News.
Wuxuu ku andacooday Netanyahu inay hadda Iiraan dhiseysa gantaallo ka deg deg iyo khatar badan nukliyeerka , oo loo baahanyahay si dhaqso ah awood milatari in loogu joojiyo.
Trump, si deg deg uma qaadi karo weerar ka dhan ah Iiraan , oo wuxuu ka fogaan doonaa colaaddii bariga dhexe inuu dib usoo celiyo, taa oo aysan qaadi karin xulafadiisa Carabta , balse Netanyahu wuxuu ku dhaqaaqi karaa wax ku qasbaya weerar lagu qaado Iiraan,waxaana laga arkayaa rabitaan badan oo uu ku doonayo duullaan ballaaraan oo muddo socon kara in lagu qaado Iiraan. Isla xaaladan waxay Trump iyo kooxdiisa ku riixi kartaa inay ku dhex jiraan hanjabaada ka dhanka ah Venezuela, oo Netanyahu laftirkiisa loo tusayo meel ay dani ugu jirto oo gacan ku heynta Mareykanka ee Venezuela, wuxuu u arkaa Netanyahu , meel lagu cadaadin karo Sacuudiga iyo dalalka khaliijka, kuwaasoo awoodooda ay ku tirsan tahay shidaalka , balse helitaanka shidalka Venezuela ayaa ah midda muhiimadaa meesha ka saari karta.
