Netanyahu: Waxaa dhacday Rajo aan qabay 40 sanno oo ahayd in Iiraan la weeraro

Screenshot

Benjamin Netanyahu, ayaa Axaddii sheegay in weerarrada dalkiisu ku qaaday Iiraan oo la bilaabay Sabtidii iyadoo lala kaashanayo militariga Mareykanka amarka Madaxweyne Trump  “ay sii kordhi doonaan xitaa si ka badan maalmaha soo socda.”

“Waxaan tirtirnay kaligii-taliyihii Khamenei iyo tobanaan mas’uul oo sare oo ka tirsan nidaamka dulmiga ah. Ciidamadeennu hadda waxay garaacayaan bartamaha Tehran iyagoo adeegsanaya awood sii kordheysa, taas oo sii labanlaabmi doonta maalmaha soo socda,” ayuu Netanyahu ku sheegay bayaan muuqaal ah.

Wuxuu sheegay inuu Axaddii la kulmay madaxdiisa difaaca iyo sirdoonka, isla markaana uu siiyay “amarro lagu sii wado ololaha” ka dhanka ah Iiraan  howlgal uu sheegay inuu “rajo ka qabay 40 sano si si toos ah wajiga loogu dhufto nidaamka argagixisada.”

“Waxaan sidoo kale ololahan ku wadnaa iyadoo nala garab taagan Mareykanka, saaxiibkayga, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, iyo militariga Mareykanka,” ayuu yiri Netanyahu. “Isku darkan awoodaha ayaa noo saamaxaya inaan sameyno wixii aan ballanqaaday.”

Netanyahu wuxuu qiray in weerarrada aargoosiga ah ee Iiraan ay keenayaan “maalmo xanuun leh” oo soo food saaray Israa’iil, wuxuuna ka tacsiyeeyay dhimashada ugu yaraan siddeed qof oo ku dhintay weerar gantaal oo Iiraan ku qaaday magaalada Beit Shemesh, oo u dhow Qudus, Axaddii hore.

Related posts

USA oo u ogolaatay Israa’iil iib hub degdeg ah, iyo khaliijkii oo cidlo ku soo dhacay

Sacuudiga iyo Pakistan oo ka wada hadlay isku diyaarinta, dagaala iyo difaac wada jir ah

Xisbulah oo eryatay ciidamo Yuhuuda oo isku dayey hawlgal qarsoodi ah oo ay ka fulinayeen Lubnaan