Netanyahu: Waxaan u dilaynaa madaxda si aan u xorayno shacabka Iiraan

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa isku dayaya inuu isku muujiyo xoreeye u ah shacabka Iran, isagoo hawlgallada milatari ee Israel iyo Maraykanka ku beegsanayaan saraakiisha sare ee Tehran ku tilmaamay fursad ay dadku kaga baxaan xukunka hadda jira.

Netanyahu ayaa hadalladiisii hore ku sheegay in tallaabooyinkan aysan ku wajahnayn shacabka, balse ay ka dhigan yihiin fursad ay “dadka Iran ay iska qaadi karaan culeyska iyo cadaadiska ka jira xukuumadda xasillooni darrada ku haysa dadka.”

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu si joogto ah u sheegay in ujeedadu tahay in la abuuro siyaasad cusub oo dadka Iran ay ka qayb qaadan karaan maamumlka, islamarkaana ay xorriyadooda ka helaan maamulka awooda lahaa muddada dheer. Hadalladiisa ayuu ku celceliyay in Israel aysan doonayn in ay waxyeello gaarsiiso shacabka, balse ay fursad siinayso in dadku ay helaan isbadal.

Istaraatijiyadda Netanyahu ayaa u muuqata mid siyaasadeed iyo istiraatiiji ah, isagoo isku dayaya in hawlgallada milatari lagu soo bandhigo sawir ah in Israel ay tahay “xoreeye” shacabka Iran, si uu u xoojiyo mowqifkiisa gudaha iyo caalamkaba, isaga oo xoogga saaraya xorriyadda dadka iyo ka hortagga awooda xukuumadda Iran ee ay ku tilmaamay cadaadis ku hayso muwaadiniinteeda.

Dhinaca kale Isra’iil waxay si aan kala sooc lahayn u weerarta dalka Iiraan, waxayna weerataa goobha ay dadku dagan yihiin Isbitaalda, goobha shiidaalka.

Related posts

Erdogan: Isaraa’iil waxaa hogaaminaya shabakad isku aragta in ay ka sareeyaan dadka kale

Iiraan oo ka jawaabtay dilkii saraakiishii amniga, khasaare xoog lehna u gaysatay Israa’iil

Iiraan oo xaqiijisay dilka Ali Larijani iyo Gholamreza Soleimani, Aargudisna ku dhawaaqday