Newcastle oo dardargelisay saxiixa xiddiga Monaco ee Lamine Camara

Kooxda Newcastle United ayaa kordhisay dadaalkeeda ay ku doonayso inay kula soo saxiixato xiddiga khadka dhexe ee kooxda AS Monaco, Lamine Camara, sida ay baahisay jariidada The i Paper. Xiddigan 22-jirka ah ee u dhashay dalka Senegal ayaa loo arkaa mid ka mid ah bartilmaameedyada ugu muhiimsan ee tababare Eddie Howe uu doonayo inuu ku xoojiyo khadkiisa dhexe xagaaga soo socda.

Camara ayaa xilli ciyaareedkan bandhig heer sarre ah ka sameeyay horyaalka Faransiiska (Ligue 1), isagoo lagu yaqaano firfircooni badan, orod iyo farsamo sare. Newcastle ayaa muddo bilooyin ah si dhow ula socotay horumarka xiddigan, iyadoo u aragta bedelka ku habboon haddii ay kooxda ka tagaan xiddigaha khadka dhexe sida Joe Willock ama haddii uu isbeddel ku yimaado mustaqbalka Sandro Tonali.

Inkasta oo uu Camara la fahaantiisu sheegay inuu ku faraxsan yahay joogitaanka Monaco, haddana ma uusan qarin rabitaankiisa ah inuu maalin uun ka ciyaaro horyaalka Premier League. Monaco ayaa la rumaaysan yahay inay dalban doonto lacag u dhaxaysa £35 milyan ilaa £45 milyan si ay u ogolaato bixitaanka xiddigan oo fure u ah safkooda.

Taageerayaasha Newcastle ayaa si weyn u sugaya haddii kooxdu ay ku guuleysan doonto saxiixa Camara, kaas oo la rabo inuu firfircooni cusub ku soo kordhiyo safka “The Magpies” ee xilli ciyaareedka dambe.

Related posts

Said El Mala oo soo galay diirada ugaashiga cayaartooyda ee Newcastle

Kieran Trippier: Ma sii joogi doonaa Newcastle Mise Waa bixi doonaa?

Julián Álvarez: Ma ku soo laaban doonaa Premier League xagaaga dambe?