Xiisad Culus: Iran oo Heegan Sare Gashay, Mareykanka oo Lagu Eedeeyay Qorshe Weerar

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in awoodaha milatari ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran si weyn loo kordhiyey, loona geliyey heegan sare, xilli ilo sirdoon oo kala duwan ay ku andacoonayaan in United States uu gaaray go’aan ku saabsan weerar ka dhan ah Tehran oo dhici kara 72-da saac ee soo socda.

Ilo ku dhow dhow xaaladda amni ayaa tilmaamaya in dhaq-dhaqaaqyo milatari oo aan caadi ahayn laga dareemayo gobolka, iyadoo la kordhiyey diyaargarowga difaaca hawada iyo dhaqdhaqaaqyada ciidamada badda ee Iran. Wararku waxay intaas ku darayaan in weerarka la qorsheeyay — haddii uu dhaco — uu noqon karo mid degdeg ah, baaxad leh, isla markaana leh ujeeddooyin istaraatiiji ah oo cad.

Arrintan ayaa imanaysa xilli wada-xaajoodyo diblomaasiyadeed ay wali socdaan, inkasta oo aysan jirin calaamado muujinaya in xal siyaasadeed oo degdeg ah la gaari karo. Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in xiisaddu ay si weyn u korortay maalmihii u dambeeyay.

Dhanka kale, Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa reportedly Tehran u qabtay muddo 10 maalmood ah oo ku aaddan in ay aqbasho shuruudo uu Mareykanku soo jeediyay. Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa qaba in hoggaanka diimeed ee Iran uusan u muuqan mid aqbalaya cadaadiskaas, taasoo sare u qaadaysa suurtagalnimada iska horimaad milatari.

Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay labada dhinac oo xaqiijinaya in weerar la fulin doono, hase yeeshee indhaha caalamka ayaa ku sii jeeda Bariga Dhexe, iyadoo laga cabsi qabo in xiisaddan ay horseedi karto qalalaase amni oo ballaaran.

Related posts

USA oo u ogolaatay Israa’iil iib hub degdeg ah, iyo khaliijkii oo cidlo ku soo dhacay

Sacuudiga iyo Pakistan oo ka wada hadlay isku diyaarinta, dagaala iyo difaac wada jir ah

Xisbulah oo eryatay ciidamo Yuhuuda oo isku dayey hawlgal qarsoodi ah oo ay ka fulinayeen Lubnaan