Heemaal News Network

Norwey Oo Magangalyo U Diiday Ciyaartoy Itoobiyaan Ah Oo Iska Dhiibay

14 ka mid ah 15 carruur ah oo aan qaangaarin kana soo jeeda Itoobiya, kuwaas oo ka baxay tartanka Norway Cup xagaagii, ayaa Hay’adda Socdaalka Norway (UDI) diiday codsiyadoodii magangalyo.

Hay’adda Socdaalka ee Norway UDI, waxay sheegtay in la xiriirta tartanka kubadda cagta ee sanadlaha ah ee ka dhaca Oslo ay jireen dhowr xaaladood oo ay ciyaartoy viso ku yimid si ay uga qeybqaataan tartanka ay “ka baxsadeen” kooxahoodii, kadibna ay magangalyo ka dalbadeen Norway.

Xagaagan, arrintani waxay khusaysey 15 carruur ah oo aan qaangaarin kana soo jeeda Itoobiya.

Dhammaan kiisaskan si gaar ah ayaa loo qiimeeyaa, isla markaana waxaan diiradda saarnaa ka hortagga ku-takri-falka nidaamka fiisaha iyo magangalyada. Go’aannada diidmada ah waxay ku saleysan yihiin qiimeyn dhammaan shuruudaha khuseeya, waxaana 15-kan magangalyo-doon ah, kaliya hal qof uu leeyahay sabab sharci ah oo uu ku heli karo ilaalin, ayay tiri Agaasimaha Qeybta Ilaalinta ee UDI, Wenche Fone, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Intaa waxaa dheer, waxaan sidoo kale qiimeynay danta ugu wanaagsan ee ilmaha, waxaana go’aankeennu yahay in carruurtan ay ugu wanaagsan tahay in dib loogu celiyo waalidkood ama daryeelayaashooda. Ma jiraan duruufo bini’aadannimo oo ku filan ama khatar amni oo ka jirta meelaha ay ka yimaadeen oo naga dhigaya inaan siino magangalyo, ayay hadalkeeda sii raacisay Fone.

Norway Cup waa tartanka kubadda cagta ee ugu weyn dunida, kaas oo loogu talagalay carruurta iyo dhalinyarada da’doodu u dhaxayso 6 ilaa 19 sano.