Obama oo ka Hadlay Muuqaal Cunsuriyad ah Oo Trump ku Faafiyay Bartiisa.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa si dadban uga hadlay muuqaal cunsuriyad ah oo lagu daabacay baraha bulshada ee Madaxweynaha Donald Trump, kaas oo si weyn u kiciyay caro iyo cambaareyn siyaasadeed.

Obama, oo marti ku ahaa podcast uu daadihiyo Brian Tyler Cohen, ayaa ku tilmaamay ceebta” iyo in “anshaxa” masuuliyiinta Mareykanka ay si muuqata u luntay. Hadalkiisa ayaa yimid kadib markii la weydiiyay heerka hoos u dhaca ee ku yimid hadalka iyo dhaqanka siyaasadeed ee dalka.

Muuqaalka muranka dhaliyay ayaa muujinayay Obama iyo xaaskiisa Michelle Obama iyagoo loo ekaysiiyay daanyeerro, taasoo dhalisay cambaareyn ballaaran oo ka timid xubno ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiyiinta iyo sidoo kale qaar ka mid ah Jamhuuriyiinta.

Bilowgii, White House ayaa difaacday muuqaalka, iyagoo ku tilmaamay dhaleeceynta loo jeediyay “carada been abuurka ah”. Si kastaba ha ahaatee, markii dambe waxaa la sheegay in muuqaalka uu mas’uul ka ahaa xubin ka tirsan shaqaalaha Trump, waxaana ugu dambeyn laga tirtiray baraha bulshada.

Obama ayaa intii uu la hadlayay Brian Tyler Cohen ka falceliyay guud ahaan jawiga siyaasadeed ee hadda jira, iyadoo Cohen uu tusaale u soo qaatay qoraalka Trump oo ka mid ahaa muranno siyaasadeed oo dhowaan dhacay.

Xildhibaano badan oo Dimuqraadi ah iyo qaar Jamhuuri ah ayaa si adag u cambaareeyay muuqaalka, iyagoo ku tilmaamay mid aflagaado ah, cunsuriyad xambaarsan, isla markaana dhaawacaya anshaxa siyaasadeed ee dalka.

Dhankiisa, Donald Trump ayaa diiday inuu raalli-gelin ka bixiyo muuqaalka lagu daabacay bartiisa Truth Social, kaas oo si toos ah u aflagaadeeyay madaxweynihii ugu horreeyay ee madow ee Mareykanka iyo xaaskiisa. Trump ayaa sheegay inuusan arkin qaybta muuqaalka ee ku saabsan qoyska Obama, isagoo ku tilmaamay arrintaas “khalad shaqaale”.

Muuqaalka ayaa ku jiray Truth Social ku dhowaad 12 saacadood, inkastoo ay jireen cambaareyn ballaaran oo ka timid siyaasiyiin iyo dadweyne, ka hor inta aan ugu dambeyn la tirtirin.

Related posts

In ka badan Kun Askri oo ICE ah Oo laga Saaray Minnesota.

Shiinaha Oo Maanta Xaqiijiyay inuu Iran ku Wareejiyay Raadaarka nooca YLC-8B.

Erdogan Oo Baajiyay Booqashadii Uu ku Tagayay Imaaraadka Iyo Sababta loo Baajiyay