Osteoarthritis, sobobaha keena, daawayntiisa, iyo dadaalka qof ahaaneed

Sawirka muujinaaya dhamaam qormadani waxaad ka helaysaa halka hoose.

Waa Maxay Osteoarthritis?

Osteoarthritis waa cudur ku dhaca kala-goysyada marka carjawda (cartilage – unug jilicsan oo daboola dhamaadka lafaha) ay duugto ama baaba’do.

Marka carjawdu yaraato:

  • lafaha ayaa is xoqaya
  • xanuun iyo barar ayaa dhacaya
  • dhaqdhaqaaqa kala-goysyadu wuu yaraadaa.

Badanaa wuxuu ku dhacaa:

  • gacmaha
  • jilbaha
  • miskaha
  • laf-dhabarta.

Calaamadaha

Calaamadaha ugu badan waxaa ka mid ah:

  • Xanuun marka la dhaqaaqo ama ka dib dhaqdhaqaaq
  • Adkaansho kala-goys gaar ahaan marka hurdada laga soo tooso
  • Barar
  • Dabacsanaan yar
  • Dhawaaq kala-goys marka la dhaqaaqo
  • Bone spurs (korriimo lafo yar yar).

Sababaha

Sababta ugu weyn waa duugga carjawda kala-goysyada.

Marka carjawdu baaba’do:

  • lafaha ayaa is xoqaya
  • kala-goysku dhaawacmaa.

Cudurku wuxuu sidoo kale saameeyaa:

  • lafaha
  • seedaha (ligaments)
  • gudaha kala-goyska.

Waxyaabaha Kordhiya Halista

Waxyaabaha kordhiya khatarta cudurka waxaa ka mid ah:

  • Da’da oo sii kordha
  • Cayilka
  • Dhaawacyada kala-goysyada
  • Cadaadis soo noqnoqda (shaqo ama ciyaar)
  • Hiddo-side (genetics)
  • Qaab khaldan oo lafaha ah
  • Cudurrada sida sonkorowga (diabetes).

Dhibaatooyinka

Haddii cudurku sii xumaado wuxuu sababi karaa:

  • xanuun joogto ah
  • adkaansho kala-goys
  • dhibaato qabashada shaqooyinka maalinlaha ah
  • niyad-jab
  • dhibaato hurdo.

Sida Loo Ogaado (Diagnosis)

Dhakhtarku wuxuu isticmaalaa:

1. Baaritaanka jirka

  • xanuunka
  • bararka
  • dabacsanaanta.

2. Sawirro

  • X-ray
  • MRI

3. Baaritaan shaybaar

  • dhiig
  • dareeraha kala-goyska.

Daaweynta

Osteoarthritis si buuxda looma daweyn karo, laakiin daaweyntu waxay yareyn kartaa calaamadaha.

Daawooyinka

  • Acetaminophen
  • Ibuprofen
  • Naproxen
  • Duloxetine

Daaweyn kale

  • Physical therapy (jimicsi caafimaad)
  • Occupational therapy
  • TENS (koronto yar oo xanuunka yareysa).

Qalliinka

Haddii daaweynta kale shaqayn weydo waxaa la sameyn karaa:

  • Cortisone injections
  • Hyaluronic acid injections
  • Osteotomy (sixidda lafaha)
  • Joint replacement (beddelidda kala-goyska).

Is-daryeel

Waxyaabaha caawin kara:

Jimicsi

  • socod
  • dabaal
  • baaskiil

Miisaanka oo la dhimo

Miisaanka badan wuxuu culays saaraya jilbaha iyo miskaha.

Kul iyo qabow

  • kul → murqaha nasiiya
  • qabow → bararka yareeya.

Qalabka taageerada

  • ul socod
  • suunka jilbaha
  • qalab gacanta caawiya.

Daaweyn Kale

Hababka kale ee caawin kara:

  • Acupuncture
  • Glucosamine iyo chondroitin
  • Omega-3 fatty acids (kalluunka iyo fish oil).

Heemaal Health.

Related posts

Ma saxbaa “Xeerka shanta ilbiriqsi ee cunto dhulka ku dhacday”? Aragti cad oo uu bixiyay dhakhtar

Xanuunka indhaha ee xanuunka macaanku keeno iyo daawayntiisa

Cudurka ku dhanaca ganaca ee halista badan iyo sida loo ogaado wakhti hore