Caasimadda Pakistan ee Islaamabad ayaa lagu wadaa in wada-hadallo toos ah ay Iiraan & Mareykanka ku dhexmaraan dhammaadka todobaadkan, iyada oo ay dhexdhexaadiyaal xiisadda ka yihiin Pakistaan, Turkey & Masar, sida ay qortay majladda Axisos.
Guddoomiyaha Baarlamanka Iiraan, Ghalibaf & Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, JD Vance ayaa kulmi doona — iyada oo Trump uu Mr.Ghalibaf ku sifeeyey nin go’aan leh.