Wargeyska wararka ee Reuters ayaa ku warramaya in Mareykanku qorsheynayo weerar milatari uu ku qaadi karo Iiraan, kaasoo socon kara toddobaadyo haddii Trump bixiyo amarka.
Waaxda dagaalka Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa la sheegay inay diyaarinayso hawlgal ka ballaaran kuwii hore oo lagu fuliyo Iran.
Pentagon-ka Maraykanka ayaa sheegay in Qorshahan cusub uusan ku koobnaan doonin oo keliya xarumaha nukliyeerka, balse waxaa laga yaabaa in la beegsado xarumo kale oo dowladeed iyo kuwo amni oo ku yaalla gudaha Iiraan.
Sidoo kale, Mareykanku wuxuu filayaa in Iiraan ay ka jawaabi doonto tallaabo kasta oo la qaado, taasoo keeni karta weerarro iyo jawaabo is-daba-joog ah oo muddo socon kara.