Qatar Oo ka Digay in khatarta Dagaalku aysan ku koobnaaneyn Iiraan balse ujeedadu tahay in la dumiyo dalalka Khaliijka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dr Nayef bin Nahar oo ah aqoonyahan, qoraa iyo cilmi baadhe reer Qatar ah ayaa ka digay in khatarta dagaalku aysan ku koobnaaneyn Iiraan oo kaliya balse ujeedadu tahay in la dumiyo dalalka Khaliijka.

Dr Nayef ayaa yidhi “Yaa weli shaki ka qaba in ujeeddada dagaalku aysan kaliya ahayn in la rido nidaamka Iiraan, balse sidoo kale ay tahay in la duminayo Khaliijka?.”

Wuxuu sheegay in Wasiirka Tamarta Qatar oo uga digay Mareykanka iyo ISRL hadii ay weeraraaan xarumaha gaaska Iiraan iney taasi horseedi doonto iney Iiraan ay ka aargoosato dalalka Khaliijka balse ay digniintii iska dhaga tireen oo ay weerareen xarumaha gaaska Iiraan, iyagoo dalalkii Khaliijka uga tagay iney kaligood wajahaan gantaalaha Iiraan.

Dr Nayef wuxuu sheegay in khasaaraha wayn ee soo gaadhay xarumaha gaaska ee dalalka Khaliijku ay faa’iido wayn u tahay Shirkadaha gaaska Mareykanka.

Wuxuu ku dooday in ujeedada dagaalku aysan ahayn oo kaliya in la rido nidaamka Iiraan balse sidoo kale ujeedadu tahay in la burburiyo dalalka Khaliijka si mustaqbalka loo xakameeyo.

Wuxuu sheegay in masuuliyiinta ISRL ay ku celceliyaan in bariga dhexe dib loo habeyn doono, oo la abuuri doono ISRL wayn, taasoo macnaheedu yahay in ridida nidaamka Iiraan ay ka dhigneyn dhamaadka hawsha balse ay tahay bilowga mashruuca ay ISRL ku dooneyso iney dib ugu qaabeyso bariga dhexe.

Dr Nayef wuxuu sheegay in Mareykanku u hanjabayo dalalka Khaliijka si uu ugu riixo iney ku biiraan dagaalka ka dhanka ah Iiraan, taasoo hadii ay dhacdo uu ku tilmaamay iney tahay doorasho khaldan oo mustaqbalka dalalka Khaliijka ku yeelanaysa cawaaqib daran.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.