Qaramada Midoobay: 6.5 Milyan oo Qof oo Soomaaliya ku Jira Xaalad Adag oo Gaajo iyo Silic Ah

Warbixin cusub oo ay wada saxiixeen dowladda Somalia iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa muujinaysa in xaaladda bani’aadamnimo ee dalka ay si daran u sii xumaaneyso, iyadoo ku dhawaad 6.5 milyan oo qof la filayo inay la kulmaan gaajo heer qatar ah ama ka daran ka hor dhammaadka bisha Maarso 2026. Dhamaan tiradaan waxay ka dhigan tahay in ku dhawaad hal seddexaad dadka dalka ay wajahayaan amni daro cunno oo ba’an.

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in sababaha ugu waaweyn ee gaajada sii xumeysay ay yihiin: abaaraha daba dheeraaday, colaadaha iyo amni xumada, sicir bararka cuntada iyo lacag la’aanta taageerooyinka bani’aadamnimo. Barnaamijka Qiimeynta Amniga Cunnada ee IPC ayaa sheegay in ku dhawaad 2 milyan oo qof ay wajahayaan xaalad degdeg ah (IPC Phase 4), taasoo ah heer aad u daran oo gaajo ah.

Dhanka kale, xaaladda caruurta ayaa gaaraysa cabsi gaar ah: waxaa lagu qiyaasay in in ka badan 1.8 milyan oo caruur ah oo ka yar shanta sano ay wajahayaan nafaqo xumo daran, oo ku dhawaad 483,000 caruur ah ay la kulmi doonaan nafaqo xumo aad u daran (severe acute malnutrition) haddii aan si degdeg ah wax looga qaban.

Abaarta ayaa si wayn u burburisay beeraha iyo xoolaha, taasoo sababtay in dalaggu hoos u dhaco isla markaana dad badan ay ka barakacaan guryahooda raadinta cunto iyo biyo. Intaa waxaa dheer, taageerada bani’aadamnimo ayaa aad u yaraatay sababo la xiriira miisaaniyad xadidan, taasoo ku qasbay hay’adaha samafalka inay dhimayaan rations-ka cunto iyo adeegyada kale ee nolosha badbaadiya.

Qaramada Midoobay iyo mas’uuliyiinta Soomaaliya waxay ku booriyeen beesha caalamka, hay’adaha samafalka iyo deeq bixiyayaasha inay si degdeg ah u kordhiyaan taageerada si loo badbaadiyo nolosha dad badan oo nugul, loona xakameeyo xaaladda kahor inta aynaan gaarin marxalad aad u daran oo nafaqo xumo iyo dhimasho ah.

Related posts

USA oo u ogolaatay Israa’iil iib hub degdeg ah, iyo khaliijkii oo cidlo ku soo dhacay

Sacuudiga iyo Pakistan oo ka wada hadlay isku diyaarinta, dagaala iyo difaac wada jir ah

Xisbulah oo eryatay ciidamo Yuhuuda oo isku dayey hawlgal qarsoodi ah oo ay ka fulinayeen Lubnaan