Heemaal News Network

Qaraxyo Isdaba Joog ah oo Gilgilay Moscow Laba Maalmood Gudahood

Saddex qof, oo ay ku jiraan laba sarkaal oo ka tirsan booliiska Ruushka, ayaa ku dhintay qarax ka dhacay magaalada Moscow, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta dalkaasi.

Guddiga Baarista Ruushka ayaa sheegay in labo askari oo ka tirsanaa booliiska waddooyinka ay arkeen qof laga shakiyay oo ku sugnaa meel u dhow gaari booliis ah, xilli ay marayeen waddada Yeletskaya Street. Markii ay u dhowaadeen si ay u su’aaleeyaan una qabtaan tuhmanaha, ayaa walxaha qarxa la kiciyay, taasoo keentay qarax xooggan.

Labada askari ayaa u geeriyooday dhaawacyadii ka soo gaaray qaraxa, waxaana sidoo kale ku dhintay qof rayid ah oo goobta ku sugnaa xilliga uu qaraxu dhacay.

Dhacdadan ayaa imaneysa laba maalmood uun kadib markii sarkaal sare oo ka tirsan milatariga Ruushka lagu dilay qarax baabuur oo Isniintii ka dhacay caasimadda. Jeneraal sare Lt Gen Fanil Sarvarov ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay kadib markii walxaha qarxa oo lagu xiray baabuurkiisa la kiciyay.

Mas’uuliyiinta Ruushka ayaa sheegay inay wadaan baaritaanno ku saabsan labada qarax, iyadoo weli aan la shaacin cidda ka dambeysay ama ujeedada weerarradan is xiga.