Amiirka Qatar Tamim bin Hamad Al Thani iyo Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa ka wada hadlay xiisadaha sii kordhaya ee Bariga Dhexe iyo dagaalka Ukraine, iyagoo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaadaha laguna xalliyo khilaafaadka waddo diblomaasiyadeed.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isla qaatay in la xoojiyo iskaashiga, gaar ahaan dhinacyada difaaca iyo tiknoolajiyadda, iyadoo la shaaciyay heshiis cusub oo ku saabsan iskaashi la dagaallanka gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Ukraine waxay doonaysaa inay taageero siiso dawladaha Khaliijka ee ay soo weeraray Iran, iyadoo ay Ukraine ku faanto khibraddeeda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn) laakiin sidoo kale waxay doonaysaa taageero dheeraad ah oo ka timaadda xulafada gacan ka geysan karta taageerada dagaalka ka dhanka ah Ruushka – xulafada leh dhaqaale iyo awood ay ku taageeraan Kyiv, gaar ahaan xilligan oo dareenka Mareykanka uu diiradda saarayo meelo kale hadda.