Dalka Qatar ayaa la kulmay weerarkii ugu halista badnaa tan iyo markii uu dagaalka bilowday, ka dib markii waxyar ka hor diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo lagu qarxiyay magaalada warshadaha ee Ras Laffan, oo ah halka ay ku yaalaan warshadaha gaaska dabiiciga ah ee Qatar,
Duqayntan ayaa ka dhigan in markii u horreysay la taabtay caawa wadnaha dhaqaalaha Qatar,halkaa oo dab xooggan uu ka shidanyahay xilligan, sida ay xaqiijisay wasaaradda arrimaha gudaha Qatar.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Qadar ayaa sheegtay in dabku ka dhashay dhacdadan, iyadoo Ras Laffan uu hoy u yahay xarunta ugu weyn ee soo saarista gaaska dabiiciga ah ee la dareereeyay (LNG) ee adduunka.
Qalabka digniinta ayaa laga maqlay dalka Baxrayn, iyadoo dadka lagu wargeliyay inay galaan meelaha amniga leh.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Baxrayn ayaa xaqiijisay in la yeeriyey qalabka seeriga digniinta.
“Muwaadiniinta iyo dadka deggan dalka waxaa lagu boorinayaa inay isdajiyaan, isla markaana u dhaqaaqaan goobta ugu dhow ee nabdoon,” ayaa lagu yiri bayaan ay wasaaraddu ku baahisay barta X.