Qatar oo Iran ku Tilmaantay khatar ku Wajahan Gobolka Oo Dhan Iyo Sacuudiga Oo ka Hadlay Duqaynta

Qatar ayaa sheegtay in weerarrada gantaallada xad-dhaafka ee ku dhacay Ras Laffan Industrial City ay yihiin “khatar toos ah oo ku wajahan amniga qarankeeda iyo xasilloonida gobolka”.

“Dhinaca Iran wuxuu sii wadaa siyaasado kicin ah oo gobolka ku riixaya god halis ah, isla markaana ku soo jiidaya dalal aan qayb ka ahayn qalalaasahan ee wareegga colaadda,” ayay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi ku qortay baraha bulshada.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu daray in Qatar “ay xaq u leedahay inay ka jawaabto” isla markaana “aysan ka labalabeyn doonin inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay u ilaaliso madax-bannaanideeda, amnigeeda, iyo badbaadada muwaadiniinteeda.”

Dhinaca kale Wasaaradda Difaaca ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay qabatay oo burburisay afar gantaal oo ay sheegtay in loo soo ganay dhinaca Riyadh.

Agaasinka Guud ee Difaaca Madaniga ee Sacuudi Carabiya ayaa baraha bulshada ku sheegay in “qiimeyn hordhac ah ay muujinayso in aysan jirin wax khasaare ama dhaawac ah.”

Waxay sidoo kale ka digtay in burburka gantaallada uu ku faafay qaybo ka mid ah caasimadda.

“Ka fogow inaad is ururtaan ama aad duubtaan muuqaallo, ka dheeraada meelaha khatarta ah, kuna soo wargeliya wixii halis ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Related posts

Madaxweynaha Iran Oo ka Hadlay Cawaaqib Xumada ka Dhalan karta Weerarada Goobta Gaaska

Khasaaraha ka Dhashay Weerarkii Iran Caawa ku Qaaday Sacuudiga Oo la Shaaciyay.

“Laftagareen waa Beentiis Hawiye Duulaan kuma ahan Beydhabo” Xildhibaanada K/Galbeed..